Qarax xoogan oo ciidamo itoobiyaan ah lagula beegsaday Muqdisho.

(Mogadishu, December 15, 2007 HornAfrik Media)

Gaari uuraal ah oo ay wateen ciidamo itoobiyaan ayaa saaka abaare 8:25 (Am) waxaa qarax lagula beegsaday Magaalada muqdisho halkaasi oo qasaare uu ka soo gaaray ciidamada itoobiyaanka.

Qaraxaan ayaa dad goobjogayaal ahi waxaa ay sheegeen in ay ahayd miinada dhulka la galiyo islamarkaana la hago.

Gaariga uurlka ah oo saarnaayeen ciidamo itoobiyaanka ah ayaa waxaa uu ilaalinayay gaari kale oo booyad biyaha qaada ah oo ay leeyihiin ciidamada itoobiyaanka ee kusugan Magaalada Muqdisho waxaana uu marayay wadada shaqaalaha ee degmada laabeeriya.

Lama oga qasaaraha ka soo gaaray ciidamada itoobiyaanka qaraxaaasi,balse wararka qaar ayaa sheegaya in ay jiraan qasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo gaaray.

Sidoo kale rasaas badan oo ay fureen ciidamada itoobiyaanka qaraxa kadib ayaan la ogeyn dadka ay wax yeelaysay,iyadoo la arkayay dhalinyaro badan oo ka cararayay guryahooda kuwaas oo ka baqaya in la qabqabto.

Iskuulka ka ag dhawaa halka qaraxaani ka dhacay ayaa ciidamada itoobiyaanku gudaha u galee waxaana halkaasi ay ka wateen.

Waxaa xiran wadada maka Al mukarama oo ay si aad u istcimaalaan ciidamada dowladda KMg ah iyo kuwa itoobiyaanka,iyadoo baaritaano xoogan ay wadaan ciidamada itoobiyaanka.

Maalmihii ugu dambeeyay Magaalada muqdisho waxaa ku soo badanayay dilalka iyo qaraxyada lala beegsanayo ciidamada itoobiyaanka iyo xubnaha kala duwan ee dowladda KMg ah ee Somalia.

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com