qarax xoogan oo saaka ka dhacay
Magaalada Baydhabo
(Mogadishu,
December
15,
2007
HornAfrik Media)
Kolonyo
gaadiid ay wateen ciidamo itoobiyaan ayaa saaka abaare
8:30(Am) waxaa qarax lagula beegsay bartamaha Magaalada
Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Qaraxaan ayaa
dad goobjogayaal ahi waxaa ay sheegeen in ay ahayd miinada
dhulka la galiyo islamarkaana la hago.
Lama oga
qasaaraha ka soo gaaray ciidamada itoobiyaanka
qaraxaaasi,balse wararka qaar ayaa sheegaya in ay jiraan
qasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo gaaray dad rayid ah oo ka
agdhawaa goobta qaraxaasi ka dhacay.
Rasaas fara
badan oo ay fureen ciidamada itoobiyaanka ee la qarxiyay ayaa
waxaa dhaawacyo iyo dhimasho sidoo kale ay ka soo gaartay dad
rayid ah.
Ciidamada
itoobiyaan ayaa waxaa ay baaris xoogan ka sameeyeen halka
qaraxa uu ka dhacay ee Magaalada Baydhabo waxaana ay
qabqabteen tiro dad ah.
Maalmihii ugu
dambeeyay Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa ku
soo badanayay dilalka iyo qaraxyada lala beegsanayo ciidamada
itoobiyaanka iyo xubnaha kala duwan ee dowladda KMg ah ee
Somalia.