Isbaarooyin la soo dhoobay wadooyinka u dhaxeeya gobolada J/dhexe iyo Baay.

(Mogadishu, December 15, 2007 HornAfrik Media)

Kooxo hubeysan oo isbaarooyin u yaalaan ayaa caqabad ku noqday dhaqdhaqaaqii gaadiidka wadooyinka isku xira gobolada J/dhexe iyo Baay.

Jidgooyooyinkaan ayaa lagu sheegay in ay kor u dhaafayaan ilaa 10 waxaana la soo dhoobay qeybo ka mid ah wadooyinka isku xira Magaalooyinka Diinsoor ee gobolka Baay iyo degmada Bu’aalle ee gobolka j/dhexe.

Waxaa la sheegayaa in isbaarooyinkaasi sharci darada ah ay dhiganayaan kooxo burcad ah oo ka soo haajiray deegaanadaasi.

Qaar ka mid ah gaadiidleyda iyo rakaabka saaran ayaa lagu qasbaa inay iska bixiyaan lacago aysan awoodin sida uu HornAfrik u xaqiijiyay Nuur c/lle Xasan oo ka mid ah safarey isticmaala wadooyinkaasi.

Maamulka Magaalada Bu’aalle ee gobolka j/dhexe ayaa iska riixay wax is baarooyin ah oo yaala waxaana ay jidgooyooyinkaasi u nisbeeyeen xaga tuulooyin katirsan degmada Diinsoor.

Taliyaha saldhiga degmada Bu’aalle mr ganaane ayaa sheegay in amniga ay aad u dardar galiyeen bilihii ugu dambeeyay.

Jidgooyooyinkaan sharci darada ah ayaa la rumeysan yahay in ay yimaadeen ka gadaal markii maleeshiyooyin katirsanaa beelo horay ugu dagaalamay halkaasi ay haatan bilaabeen in jigooyooyin ay dhingtaan.

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com