Hal qof oo ku dhintay tacshiirad ay fureen ciidamada dowladda
kMg ah ee Somalia.
(Mogadishu,
December
15,
2007
HornAfrik Media)
Hal qof oo
rayid ah ayaa ku geeriyoday inta la ogyahay mid kalena dhaawac
ayaa soo gaaray kadib tacshiirad ay fureen Ciidamo katirsan
dowladda KMg ah ee Somalia kuwaas oo kusugan isgoyska
howlwadaag ee Magaalada Muqdisho wax yar kadib markii
ciidamadaasi qarax lala beegsaday.
Shaqaaqadaan
ayaa dhacday abaare 7:30 ee saaka kadib markii la maqlay
dhawaqa qarax xoogan oo lala beegsaday ciidamo katirsan
dowladda KMg ah oo kusugan isgoyska howlwadaag.
Lama oga
qasaaraha ciidamada ka soo gaaray qaraxaani,iyadoo xariir lala
sameeyay saraakiisha ciidamada booliska ayaan suura galin.
Inta la
ogyahay hal ruux oo rayid ah ayaa ku dhintay rasaasta ay
fureen ciidamada dowladda KMg ah waxaana ku dhaawacmey qof
rayid ah oo kale sida qof goobjooge ah uu Idaacada iyo TV-ga
HornAfrik u xaqiijiyay.
Ma ahan
markii ugu horeysay oo ciidamada dowladda KMg ah iyo kuwa
itoobiyaanka ee kusugan Magaalada Muqdisho ay dilaan dad
rayid ah oo aan waxba galabsan.