Xaabsade:-"dilalka Magaalada Baydhabo ka dhaca beel aan naqaano ayaa ka dambeysa".

(Mogadishu, December 14, 2007 HornAfrik Media)

Wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka dowladda KMg ah ee soomaaliya ayaa sheegay in falalka dilka ah ee ka dhaca Magaalasda Baydhabo ay yihiin kuwa ku salaysan aargoosi beeleed.

Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ah wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka oo wareysi siinayay Idaacada iyo Tv-ga HornAfrik ayaa waxaa uu sheegay in dilalka qorshaynsan ee ka dhaca Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ay yihiin kuwa u jeedadoodu tahay aar goosi qabiil.

"Saraakiisha ciidamada lagu dilay Baydhabo waxaa ka dambeeyay dad aar goosi qabiil wada",  ayuu yiri Xaabsade waxaana uu ka gaabsaday in cida rasmiyan ka dambaysa uu haatan ka gaabsanayo in uu daboolka qaado.

Waxaa uu intaasi ku daray wasiirku in kooxaha ka soo horjeeda dowladda KMg ah aysan wax dil ah ka gaysan Magaalada Baydhaba gudaheeda.

Lama xaqiijin karo tuhunka wasiirka ee ah in dilalka Baydhabo ka dhaca ay ka dambayso beesha uusan magacaaabin.

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com