5 ku dhaawacantay dagaalka maanta ka dhacay Huwiraa.

(Mogadishu, Saturday ,9 February 2008,(Hornafrik Media).

Shan ruux oo rayid ah ayaa ku dhaawacantay inta la ogyahay dagaal xoogan oo maanta ku dhexmaray ciidamada dowladda kmg ah iyo kooxaha hubeysan deegaanka huriwaa ee Magaalada Muqdisho.

Dagaalkaani oo dhacay abaare maanta lixdii saac ee duhurnimo ayaa waxa uu u dhaxeeyay ciidamo katirsan booliska dowladda kmg ah iyo xoogaga hubeysan ee ka soo horjeeda siyaasada dowlada iyo joogitaanka ciidamada itoobiya.

Dad goobjooyaal ah ayaa Hornafrik u xaqiijiyay dhaawac gaaraya 5 ruux oo dhamaantood rayid ah.

Faahfaahin dheeri ah lagama hayo dagaalkaan,balse waxa uu qeyb ka yahay weerarada joogta ah ee kooxaha hubeysan ay kala soo horjeedaan dowladda kmg ah iyo ciidamada itoobiya ee kusugabn caasimada.

Wixii ku soo kordha kala soco warkeena dambe.

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com