Qof rayid ah oo maanta X/wayne lagu dilay iyo ciidamo katirsan dowladda KMG ah oo israsaaseeyay.

(Mogadishu, Tuesday , 5 February 2008,(Hornafrik Media).

Ciidamada booliska dowladda kmg ah ee Somalia ayaa maanta nin rayid ah ku dilay degmada X/wayne ee Magaalada Muqdisho,iyadoo ciidamo kale ay isku rasaaseeyeen xaafada taleex ee degmada Hodan.

Ninkaan ayaanla sheegay inuu ka amar diiday ciidamada kadib markii ay u sheegeen in saldhiga ay u wadayaan deetana uu ka diiday.

Ciidamadaan oo ka howlgala saldhiga afar irdood ee degmada x/wayne ayaa waxa wararku sheegayaan in ninkaasi ay ku arkeen fal tuugaysid ah balse ma jirto cid xaqiijisay warkaasi.

Macada sababta rasmiga ah ee ciidamadu ninkaas rayid ah u dileen waxana arrintaas xariir lagala sameeyay maamulka degmada iyo mas’uuliyiinta ciidanka booliska waana ay suuraga gali waysay in la helo.

Dhinaca kale ciidamo katirsan dowladda kmg ah oo isagu jira boolis iyo milatari ayaa maanta isku rasaaseeyay xaafada taleex degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho waxana rasaastaasi ku dhaawacmay mid ka mid ah ciidamada milatariga.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ciidamo ka wada tirsan dowlada kmg ah ay si bareer ah isku rasaaseeyaan,iyadoo aan la aqoon sababta rasmiga ee arrintaani soo cel celisa.

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com