Hornafrik Media) War
goor dhaweyd inaga soo gaaray degmadaasi X/weyne ee
magaaladatani Muqdisho ayaa sheegaya in ku simaha afhayeenka
maamulka gobolka Banaadir Cabaas Maxamed Nuur oo loo yaqaano "Cabaas
Galeyr" ay kooxo hubeysan dhowr xabadood ay kula dhufteen
gudaha degmadaasi gaar ahaan agagaarka halka Cadayga lagu
magacaabo taasi oo keentay in rasaastaasi uu u geeriyoodo.
Wararka
qaarkood waxa ay lee yihiin kooxaha geystay weerarkaasi ayaa
ku hubeysnaa hub gacmeedka loo yaqaano Bastooladaha.
Ilaa iyo
iminkana lama oga rasmiyan sababaha dhaliyay weerarkaasi lagu
qaarajiyay mas'uulkaasi ka tirsanaa saraakiisha maamusha
gobolkani Banaadir.
Sidoo
kalana kooxo hubeysnaa ayaa weerar gaadmo ahaa ku qaaday
xildhibaan Bootaan Ciise Caalin oo ka mida mudanayaash golaha
barlamaanka xukuumada ku meel gaarkaa ee
Somalia
xili uu ku sugnaa meel yara baxsaneyd afaafka hore guriga uu
ka degan yahay magaaladatani Muqdisho.
Weerarkaasi
ayaa la sheegay in xildhibaanka uu dhaawac ka soo gaaray caawo.
Waxaana
dhaawiciisa lagula degdegay isbitaalkaasi weyn ee Madiina
halkaasi oo la soo sheegayo in lagu dabiibayo.
Warar
iminka soo baxayna waxa ay sheegayaan in haatan Bootaan Ciise
uu ku jiro qaybta qaliinka ee isbitaalkaasi Madiina.
Falalkaasi
ayaa soo baxaya xili caawo qaybo ka mida xaafadaha degmooyinka
caasimada Somalia ee Muqdisho laga maqlayo dhawaqa rasaasta
iyo madaac aad u xoogan oo qalqal galiyay rayidka reer
Muqdisho.