Dhibaatooyin dhanka nolosha ah oo haysata dad ka barakacey Muqdisho oo kusugan degmada Dhoobley.

(Mogadishu, January 6 , 2008 HornAfrik Media)

dhibaatooyin dhinaca nolosha ah ayaa soo food saaray qaar ka mid ah qoysaskii ka barakacay magaalada muqdisho oo hada ku nool deegaanka dhoobleey oo katirsan gobolka J/hoose.

Dad barakacay xaalada ammaan Daro ee ka jirta Magaalada Muqdisho ayaa gaaray deegaanada ku yaala j/hoose gaar ahaan degmada dhoobley xili ay horey halkaasi u gaareen kumanaan qoys oo ka barakacay Magaalada Muqdisho,

Dadka ka barakcay Magaalada Muqdisho maalmihii  la soo dhaafay ayaa waxaa ay ku biireen dadkii horey uga barakacay Magagalada Muqdisho kuwaas oo haatan kusugan deegaanka dhoobleey waxana wararku sheegayaan in dhibaato aad u fool xun ay haysato dadkaasi.

Hay'addaha Qaramada Midoobay ayaa ka digay musiibooyin ku soo fool leh meelo badan oo katirsan wadanka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho kadib markii ay ka soo cusboonaadeen dagaalo horleh kuwaas oo sababey barakac horleh oo ku yimaada dadka rayidka ah.

Hay'adda Qaramada Midboobay ee qaxootiga aduunka UNHCR ayaa waxaa ay walaac xoogan ka muujisay dadkii dhawaan ka barakacay Magaalada Muqdisho kuwaas oo ay hay'addu sheegtay in dhibaatooyin waawayn ay ku haystaan qeybo badan oo ka mid ah Gobolka sh/hoose iyo sh/dhex

Hay’addaha Qaramada Midoobay ayaa horey waxaa ay  sheegeen in musiibo tii ugu xumeed ay ku soo wajahantahay gudaha dalka soomaaliya.

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com