3
carruur ah oo ku dhaawacmey bam kula qarxay gudaha xarunta
Gobolka Sh/dhexe.
Mogadishu ,13,
September 2007 (HornAfrik Media)
Saddex
carruur ah ayaa ku dhaawacantay saaka kadib markii uu bam kula
qaraxay garroon ay ku ciyaarayeen oo kuyaala degmada Jowhar ee
Gobolka sh/dhexe.

Carruurtan ayaa dhaawacyada soo gaaray waxa
ay ahaayeen kuwo fudfudud hase ahaatee dhamaantood waxaa la geeyey
isbitaalka degmada jowhar. Carruurtan oo da’adoodu ka yareyd Labo ka
mid ah carruurtaan ayaa laga bixiyey isbitaalka kadib markii la
xaqiijiyey in dhaawacyadoodu ay aad u fududaayeen.
Qaraxa bamkan oo aan weli la cadeyn nooca uu
yahay ayaa carruur ciyaar kubada cagta ah ahayd ku dheelaysay meel u
dhow suuqa ugu weyn ee magaalada Jowhar waxaana durba halka qaraxa
uu ka dhacay tegey qaar kamid ah cidamada boolsika demada Jowhar.

Qaraxa bamkan oo aan meelo badan aan laga
maqlin ayaa welwel badan ku abuuray waalidiin faro badan oo
carruurtooda maanta maalintii labaad ku ciideysey magaalada Jowhar
waxaana uu noqday saacado kooban isbtiaalka magaalada jowhar meel
aad u mashquulsan kadib markii dadweyne faro badani ay gaareen
isbitaalka si ay u soo eegaan carruurta bamka ku qarxay inay
ilmahooda ku jiraan iyo inkale.
Cali Abuukar oo 15 jir ah kana mid ahaa
carruurta bamkan ku dhaawacmay ayaa hornafrik ugaga waramay sida uu
u dhacay bamkan. Cod.
Dr C.hi
Cali Culusow oo ka mid ah taqaatiirta ka howlgasha isbitaalka
degmada Jowhar ayaa hornafrik ugaga waramay xaalada carruurta
qaraxan ku dhaawacantay cod.
Kadib markii magaalada Jowhar laga dareemay
qaraxan ayaa shir jaraa;id oo degdega ah waxaa qabtay guddoomiye ku
xigeenka gobolka sh/dhexe Xuseen Xasan Maxamuud (Xuseen Dheere),
waxana uu gudoomiye ku xigeenku sheegay in qaraxa bamkan uusan
ahayn mid siyaasad ka dambaysa ama mid la soo tuuray uuna
maamulka gobolka sh/dhexe bilaabay howlgalo baaritaan ay ku
sameynayaan in ay jiraan bamam meelaha looga tagay xilliyadii
ay dagaaladu ka dhacayeen gobolka sh/dhexe.
Illaa iyo hadda ma jiro ilo madax banaan oo
cadeeya bamkan inuu ahaa mid meesha lagu aasay iyo inkale.
Guddoomiye ku xigeenka gobolka sh/dhexe
xuseen xasan Maxamuud (x.dheere) waxa uu ugu baaqay hayadaha
qaramada midoobay inay gacan ka siiso maamulka gobolka sidii
uu uga sifeyn lahaa waxyaalaha qarxa ee weli ku sii haray
meelo ka mid ah gobolka sh/dhexe.

Dhamaadkii sanadkii hore ayaa bam kula
qarxay duleeka magaalda jowhar iyadoo bamkaasina uu ku geeriyoday wiil
14 jir ah saddex xubnood oo kamid ah qoyskooduna ay ku dhaawacmeen.
Maxamed Abuukar
Caseyr"Jowhar.