qeybo ka mid ah Gobolada dalka Somalia oo ayax badani ku habsadey.

Mogadishu ,2 November 2007 HornAfrik Media

qeybo ka mid ah Gobolada Dalka soomaaliya ayaa waxaa fara ba'an ku haya ayax si raxan raxan ah u socda waxaana haatan ayaxaasi uu kusuganyahay gobolak Geddo.

Ayax fara badan ayaa dhawaan waxaa uu ku habsaday qaar ka mid ah Gobolada dhexe ee dalka Somaaliya iyadoo sidoo kale qaar ka mid ah Gobolka Hiiraan uu gaaray ayaxaasi.

Bishii la soo dhaafay iyo tan haatan lagu jiry ayaa waxaa qaar ka mid ah gayiga soomaaliya ku habsaday ayax fara badan oo guurgiiriya kaasoo wax yeelo xoogan u gaystay dhul daaqsin ah iyo mid beera ah.

waxaa haatan gebolada geddo gaaray ayax aad u tira badan kaasoo raxan raxan u socda.

Ayaxaan ayaa waxaa uu markii hore ka soo kicitimay dhulka barri ee soomaaliya isagoo ku sii fiday gobolo ay ka mid yihiin kuwa dhexe iyo Hiiraan halkaasi oo la sheegay in wax yeelo uu gaystay.

Ayaxaan ayaa waxaa walaac xoogan ka muujiyey qeybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed gaar ahaan kuwa uu saameeyay.

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com