Qeybo ka
mid ah wadooyinka deegaanka suuqa xoolaha ee degmada Hiliwaa
ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu arkayay
dad fara badan oo banaanbaxaya oo gubaya taayeero kuwaas oo ka
soo horjeeda joogitaanka Ciidamada itoobiya..
Banaanbaxaan
ayaa waxaa ay dadku ku diidanaayeen howlgalada Ciidamada
itoobiyaanka ay ka sameeyaan deegaanka suuqa xoolaha kaasoo ay
sheegeen in dhibaato ay ka soo gaarto dadka rayid ah ee aan
waxba galabsan.
Sidoo kale
waxaa Ciidamada itoobiyaanka ayaa shalay halkaasi ka sameeyeen
howlgalo kuwaas oo hakad galiyay howlihii ganacsiga.
dadkaan
banaanbaxyaan oo aad u caraysnaa ayaa waxaa ay socod dheere ku
mareen dhamaan wadooyinka suuqa xoolaha iyo deegaanka SOS
waxaana ay dab qabadsiiyeen calanka dowladda itoobiya.
Sidoo kale
banaanbaxaan ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya haween carruur iyo
waliba ardeyda dugsiyada quraanka iyo iskuulaadka kale.
dibadbaxaan ayaa waxaa uu ku soo
dhamaaday jawi wanaagsan,iyadoo ay soo baxayaan in dadka ku
dhaqan Magaalada Muqdisho ay muujinayaan sida ay u diidan
yihiin Ciidamada itoobiyaanka ee kusugan dalka soomaaliya gaar
ahaan Magaalada Muqdisho.