Beeraleyda Degmada Sablaale oo kaalmo la guddoonsiiyay.

(Mogadishu, November 30, 2007 HornAfrik Media)  

Hay'addaha UNDP iyo Sodra ayaa kaalmo kala duwan gaarsiiyay beeraladeyda ku dhaqan degmada sablaale ee Gobolka sh/hoose  iyo deegaanada Hoosyimaada kuwaas oo saameyn balaaran ay ku yeesheen fatahaadihii wabiga iyo walivba abaarihii halkaasi ku dhuftay.

Dadweynaha ku dhaqan degmada sablaale ee gobolka sh/hoose iyo tuulooyin iyo deegaano hoos yimaada degmadaasi ayaa si wayn u soo dhaweeyay deeq raashin iyo qalab beeraha lagu fasho oo ay guddoonsiiyeen hay’adaha kala ah undp iyo sorda.

Qoysaskaan la siiyay deeqda ayaa waxaa ay gaarayaan 500 oo qoys kuwaas oo u badan beeraleey ay saameyn ku yeesheen fataahado iyo abaaro xoogan.

Deeqdaan la gaarsiiyay beeraleyda degmada sablaale iyo deegaanada kale ee hoosyimaada ayaa isagu jirta galay ,sisin ,iyo digir,iyo qalabka beeralaha lagu falo.

Waxaa loogu talay qalabka la guddoonsiiyay dadkaasi beeraleyda ah in ay ku fashaan beerahooda si dalagyo kala duwan ay uga soo baxaan.

Guddoomiyaha maamulka degmada sablaale Nuur ganey ayaa si wayn u soo dhaweeyay deeqdaan isagoo shaaca ka qaaday in ay wax wayn ay u tari doonto beeraladeyda deegaanada sablaale.

Hay’adda Sodra oo mashruucaan gacan wayn ka qaadatay ayaa waxaa ay sheegtay in tabarbar ay siin doonto beeraleyda degmada sablaale iyo deegaanada hoostaga.

Ma ahan markii ugu horeysay oo deeq nuucaan la gaarsiiyo qaar ka mid ah beeleyda Gobolka sh/hoose kuwaas oo ay inta badan saameeyaan fataahada iyo abaaraha gobolkaasi ka dhaca.
               

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com