Qaramada Midoobay oo sheegtay in ay sii kordhayaan dadka ka barakacaya Muqdisho.

Mogadishu ,20, November 2007 HornAfrik Media) Mas’uuliyiin sar sare oo u hadlay hay’ada Jimciyada Qurumaha ugu qaybsan qaxootiga ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano UNHCR ayaa shaaca ka qaaday in ay weli sii kordhayaan dadka ka cararaya caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. 

Saraakiisha UNHCR ayaa sheegaya in qaybo dhowra oo ka tirsan degmooyinka waa weyn ee  Muqdisho ay weli si isdabajoog ahi uga soconayaan mowjado barakaca oo horle. 

Waxa ayna intaasi ku dareen in caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ay haatan ay ku jirto barakac kii ugu xumaa ee abad soo mara taariiqiyan inta la ogyahay. 

Mana ahan markii ugu horeysay oo ay howl-wadeenada UNHCR ay qaylo dhaan ka muujiyaan dadka ka barakacaya Muqdisho. 

Hase ahaatee, qaylo dhaantaani ayaa soo baxaysa xili qaybo badan oo ka mida degmooyinka iyo xaafadaha Muqdisho si weyn looga dareemayo sii soo coshada qoysaska ka baxsanaya rabshadaha bilaha galay ee Muqdisho.

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com