Ghanim al Najjar oo Q.M u qaabilsan arrimaha xaquul insaanka ee Soomaaliya oo ka hadlay booqashadii uu ku yimid Magaalada Muqdisho.

Mogadishu ,22, September 2007 (HornAfrik Media)

Dhagayso Codka Ghanim al Najjar.

Ghanim al Najjar oo ah qabiir madaxbanaan oo Q.M u qaabilsan arrimaha xaquul insaanka ee wadanka Soomaaliya oo shir jaraa'id maalintii shalay ahayd ku qabtay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa uu ka waramay xaalada dalka Soomaaliya kadib markii uu booqasho ku yimid Muqdisho.

Ghanim al Najjar oo qabiir madax banaan oo Q.M u qaabilsan amuuraha Soomaaliya oo wefdi uu hoogaaminay Maalinimadii qamiista ay soo gaareen Magaalada Muqdisho ayaa maanta shalay ahayd waxaa uu shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Nairobi waxaa uu kaga warbixiyay xaalada dalka Soomaaliya gaar ahaan tan Muqdisho.

Waxaa uu sheegay Mas'uulkaani in shacabka Soomaaliyeed ay ka baqdin qabaan in cid walba ay u noqdaan bartilmaameed sida kooxaha ka soo horjeeda siyaasada dowladda Ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Itoobiyaanka intaba.

Islamarkaana waxaa uu intaasi ku daray in kooxaha ka soo horjeeda dowladda iyo dowladda laftigeeda ay carruur yar

Ghanim al Najjar oo ah qabiir madaxbanaan oo Q.M u yar u qortaan Ciidan ahaan qaabilsan arrimaha xaquul insaanka ee wadanka Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in ay jiraan dilal loo gaysto dadka rayidka ah kuwaas oo uu tilmaamay in ay ka dhacaan Magaalada Muqdisho.

",Dilka iyo shirqoolka waxaa uu u dhacayaa si aan kala sooc lahayn mararka qaar dilka dadka rayidka ah ayaa si wayn uga dhaca Magaalada Muqdisho labada dhinac waxaa ay carruurta u isticmaalaan dagaalada waxaan u malaynayaa in labada dhinac ay u hogaansamaan sharciga bini’aadanimada ee qaramada Midoobay taasina waxaa ay tahay baaqayga", ayuu Yiri Ghanim Al Najjar.

Mr Al Najjar ayaa waxaa uu sheegay in Ray’sal wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed geeddi uu kala hadlay in ay jiraan xabsiyo qarsoodi ah oo ay dowladda KMG ah ee Soomaaliya wax ku xirto hase yeeshee Brof Geeddi ayaa waxaa uu sheegay in aysan jirin wax xabsi qarsoodi ah oo ay dowladda leedahay balse waxaa uu sheegay qabiirkaasi in ay baarayaan in ay jiraan xabsiyada la sheegay in dowladda KMG ah ay si qaas ah u isticmaasho.

Ghanim Al Najjar ayaa intii uu kusugnaa Magaalada Muqdisho waxaa uu la kulmay madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed Ray’sal wasaaraha dowladda fadaraalka Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi Guddoomiyaha shirkii dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed Cali Mahdi Maxamed iyo qaar kale oo katirsan Mas'uuliyiinta dowladda KMG ah ee Soomaaliya waxaana sidoo kale uu kulamo la yeeshay Guddoomiyaha Odoyaasha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ee uu hogaamiyo Maxamed Xasan Xaad.

 

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com