Taliyaha Ciidamada DF ee isagu hogaaminaya Ciidamada
dhawaan lagu soo tababaray wadanka Itoobiya ayaa si
kulul ugu eedeeyay saraakiisha ammaanka gobolka
shabeelaha Hoose in iyagu ay la shaqeeyaan xoogaga ka
soo horjeeda Dowladda KMG ah.
Horjooga
Ciidamada dhawaan lagu soo tababaray dalka Itoobiya waxa uu
sheegay in saraakiisha Ciidamada Booliska dowladda KMG ah ee
soomaaliya ay la shaqeeyaan xoogaga ka soo horjeeda dowladda
iyadoo uu xusay in aan lagu tilmaami Karin rag ka tirsan
dowladda KMG ah ee soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.
“Waan
ognahay 200 oo askari ayaa lagu dilay gobolka shabeelaha hoose
waxana dilay raga uu hogaaminayo
Cali
ganey oo ah taliyaha Ciidamada Booliska ee gobolka shabeelaha
Hoose sidaas waxa yiri Gashaanle Daahir Maxamed Cabdi oo ah
sargaalka hogaaminaya Ciidamada Dowladda ee dhawaan lagu soo
tababaray wadanka Itoobiya.
Ciidamadan
markii ay shalay soo gaareen degmada Afgooye ee gobolka
shabeelaha Hoose waxa ay ku dileen gudaha Magaaladaasi labo
nin oo ka tirsan Ciidamada maamulka gobolkaaasi oo iyana
dowladda ka tirsanaa labana oga sababta ay u dileen ee dhabta
ah.
Dhinaca
kale Taliyaha Ciidamada Booliska gobolka shabeelaha Hoose Cali
Aadan Cali Ganey ayaa ku eedeeyay Ciidamadan lagu soo
tababaray dalka Itoobiya inay yihiin kuwa qabiil kuwaas oo
lala soo dardaarmay,balse aysan ahayn kuwa ka tirsan dowladda
KMG ah ee soomaaliya wuxuuna intaasi ku daray in Ciidamaasi ay
u soo shaqa tageen inay dhacaan hantida shacabka ee gobolka
shabeelaha Hoose sida uu hadalka u dhigay.
Si kastaba
ha ahaatee Ciidamadan lagu soo tababaray dalka Itoobiya oo aad
u hubeysan ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho saacado ka hor
maanta.