Warbixin ku saabsan Somalia oo uuu soo saaray Mareykanka

(Mogadishu, Friday ,8, February 2008,(Hornafrik Media).

Source..BBC

Michael McConnell waa madaxa sirdoonka Mareykanka

Warbixintan sanadlaha ah oo ka kooban 46 bog ayaa sheegtay in fara-galintii eey Itoobiya ku sameysay dalka Soomaaliya dabayaaqadii sanadkii 2006-da eey ridday maamulkii Maxkamadaha Islaamka, oo sida warbixinta ku qoran eey saameyn xooggan ku lahaayeen koox xagjir ah oo xiriir soke la leh ururka Al-Qaacidada Africa Bari.

Laakiin dadka u dhuun daloola arrimaha Soomaaliya ayaan ku qanacsaneyn sida loo dhigay hadalka ku qoran warbixintan, oo eey isku soo dubba rideen hey’adaha kala duwan ee sirdoonka Mareykanka.

Dadkaas waxaa kamid ah David Shinn, oo safiir ka ahaan jiray dalka Itoobiya, lixdameeyadiina ka howlgalay safaaraddii Mareykanka ee Soomaaliya.

David Shin waxa uuu yiri: "Xiriirka la sheegay inuu ka dhaxeeyey Maxkamadaha Islaamka iyo Al-qaacidada Africada Bari—inkastoo eey iska caddahay inuu jiray xiriir ka dhaxeeyey qaar kamid ah hoggaankii Maxkamadaha Islaamka iyo Al-Qaacidada Africada Bari—haddana waxaad mooddaa in qaabka hadalka loo dhigay in muhiimmad gaar ah lasiiyey xiriirkaas, taas oo ah mid ka duwan sida aan xaaladda u fahamsanahay.”

Ciidamada Ethiopia waxa Somalia soo galeen dhamaadkii 2006

Warbixinta, oo inteeda badan lagu faaqiday halista Mareykanka kasoo food-saari karta qaar kamid ah dalalka Islaamka ah iyo ururrada hubeysan ee ka jira, ayaa sidoo kale sheegtay in howlgalka Itoobiya eey ka waddo Soomaaliya uusan ku guuleysan inuu Mareykanka usoo gacan galiyo saddex qof oo Washington eey ku tuhusan tahay ineey maleegeen qaraxyadii safaaradohooda Nairobi iyo Darassalaam lala beegsaday, sanadkii 1998.

Iskaba daa ineey dadkii dhibaatadaas gaystay lasoo qabtee, khubarada qaar ayaa qaba in joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya uu sabab u noqon karo inuu abuurmo abuurmo jiil dhan oo la dhacsan afkaarta Al-Qacida.

Xassan Mahadalle waa professor culuumta siyaasadda ka dhiga jaamacadda Southern ee gobolka Louisiana ee dalkan Mareykanka. Wuxuu ka hadlay sida xaalku yahay.

 David Shinn

Dowladda Mareykanka ayaa imminka si gaabis ah ugu dhaqaaqday dhankii aan rajeynayey ineey mar hore ugu dhaqaaqdo, kaas oo ah ineey cadaadis badan saarto Dowladda Kumeel Gaarka ah, si loo abuuro dowlad qaran oo loo dhan yahay

Warbixinta ayaa sheegtay in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya eeysan taag u aheyn ineey maareyso dalka Soomaaliya xilligan, haddii ciidamada Itoobiya eey isaga baxaan Soomaaliyana eey u badan tahay ineey gabi ahaanba burburto, ama eey Muqdisho isaga baxdo.

Prof. Mahadalla ayaa qaba in dowladdu intii eey xoog wax ku raadin laheyd eey xeelad kusoo loodi karto shacabkeeda.

Mar haddii hey’adihii sirdoonka eey sawir aan qurxooneyn ka bixiyeen xaaladda Geeska Africa, gaar ahaan Soomaaliya, iyo halista Mareykanka uga imaan karta gobolkaas, maxaa la gudboon dowladda Mareykanka. Su’aashaas ayaan hordhigay David Shinn, oo hadda macallin ka ah Jaamacadda Goerge Washington, wuxuuna yiri:

“Dowladda Mareykanka ayaa imminka si gaabis ah ugu dhaqaaqday dhankii aan rajeynayey ineey mar hore ugu dhaqaaqdo, kaas oo ah ineey cadaadis badan saarto Dowladda Kumeel Gaarka ah, si loo abuuro dowlad qaran oo loo dhan yahay, oo eey ku jiraan qaar kamid ah kuwa qunyar socodka ah ee ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga ah ee Asmara jooga, iyo in la xididdo siibo kuwa mayalka adag, sida Al-Shabaab oo kale, oo aan ka amar qaadan Maxkamadaha Islaamka, kuwaas oo ah kuwa aadan la xaajoon karin.

Mike McConnell oo ah agaasimaha Hey’adda Sirdoonka Qaranka Mareykanka, oo eey hoos tagaan dhamaan hey’adaha isku soo uruuriyey warbixintan, ayaa hadalkii uu shalay siiyey Congress-ka wuxuu ku sheegay in joogitaanka ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya uu horseeday kacdoon xooggan, isla markaana uu sababay kala qeybsanaan xeel-dheer oo soo dhex gashay shacabka Soomaaliyeed, taas oo wax aan suurta gal aheyn ka dhigtay dowladnimo.

Warkaan xaquuqdiisa waxaa iska leh BBC-da qeybta afka Soomaaliga.

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com