“Idaacada HornAfrik wax saameyn ah kuma yeelan doonto magacaabista Axmed C/salaam”

(Mogadishu, January 5 , 2008 HornAfrik Media)-

Milkiilayaasha idaacada HornAfrik ayaa sheegay inaanay wax saameyn ah ku yeelan doonin idaacada xilkii xukuumada cusub looga magacaabey Axmed C/salaan Xaaji Aadan oo ka mid ah saamileyda shirkada warbaahinta Hornafrik.

Cabdi imaan sharmaa’arke oo ka mid ah saamileyda idaacada Hornafrik oo kusugan Dalka Kuwait ayaa sheegay in magacaabista axmed cabdi salaam aysan wax saameyn ah ku reebin doonin shaqada idaacada Hornafrik ay u hayso shacabkeeda soomaaliyeed.

“Wax is quseeya ma’ahan magacaabista axmed cabdi salaam iyo  sheerka uu ku leeyahay idaacada markaasi wax saameyn ah kuma yeelan doonto howlaha adeegyada idaacada ay u hayso shacabka Somalia’’ ayuu yiri cabdi imaan sharmaa’arke

Waxa uu intaasi ku daray Mr. cabdi in idaacada Hornafrik ay ka madaxbanaan tahay qeybaha siyaasada Somalia isku haya ismarkaana aysan ku hadli doonin magac qof gaar ah.

Maxamed  cilmi (Dulcad)  oo ka mid ah isna milkiilayaasha idaacada Hornafrik islamarkaana kusugan dalka Canada ayaa sheegay in idaacada Hornafrik ay ka madaxbanaantahay kooxaha dagaalmaya ee dowlada kmg ah iyo xoogaga hubeysan ee ka soo horjeeda ,iyadoo idaacadu ku hadli doonto aragtida kala duwan ee shacabka Somalia iyo siyaasiinta.

‘’Ma ahan arrintu in idaacada Hornafrik ay noqon doonto sida soomaalidu tiraahdo ee barakaat ka qaado una dhiibo barakaat’’ ayuu yiri mr Dulcad.

Waxa ay sheegeen mas’uuliyiinta shirkada warbaahinta Hornafrik in mar walba ay u taagan yihiin in idaacada ay sheegto baahida iyo cabashada shacabka Somalia ismarkaana aysan cid gaar ah afkeeda ku hadli doonin

Ugu dambeyntii waxa ay shacabka Somalia ugu baaqeen in lala shaqeeyaan idaacadda madaxabanaan ee Hornafrik  islamarkaana iga afkaarahooda soo bandhigan karaan.

Idaacada Hornafrik ayaa waxa ay soo martay marxalado kala duwan kuwaas oo ay ka mid ahaayeen iyadoo la dilay sanadkii la soo dhaafay cali imaan sharmaar’arke oo ahaa mid ka mid ah milkiilayaasha Hornafrik iyo waliba wariye mahad axmed cilmi oo isna ahaa madaxii idaacada capital voice oo ku mataansan idaacada Hornafrik,iyadoo dowladda kmg ah ay dhowr mar irdaha u laabtey idaacada Hornafrik iyo kuwa kale oo madaxbanaan oo ka howlgala magaalada Muqdisho.

Lama oga waxa ay ka bedeli doonto magacaabista Axmed C/salaam dhinaca wasaaradda warfaafinta saxaafada madaxa banaan ,iyadoo dhibaatooyin iyo dacadiyo badan ay ku jirto saxaafada ka howlgasha dalka Somalia.

Axmed C/salaam xaaji Aadan ayaa loo magacaabey dhowr wasaaradood oo kala ah wasaarada warfaafinta,wasaarada dhalinyarada iyo isboortidaga,iyo waliba Ray’sal wasaare kuxigeen waana xilkii ugu horeeyay oo uu ka qabto dowlada kmg ah ee Somalia taasoo tan iyo intii la soo dhisay aan waxba ka qaban arrimaha cakiran ee Somalia,iyadoo arrimahaasina ay cirka isku sii shareereen kadib markii ay dowladda kmg ah soo caga dhigatay magaalada Muqdisho.

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com