Dagaalo
khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho
(Mogadishu,Axad,20,July,
2008,(Hornafrik
Media)
Inta la
ogyahay in ka badan 7 qofood oo rayid ahaa ayaa ku geeriyootay
tiro kalana dhaawacyo ayaa ka soo gaaray iska horimaad xoogan
oo ka dhacay wadada Warshadaha ee magaaladatani Muqdisho intii
lagu guda jiray saacadihii dambe ee galabta.
Dagaalka
ayaa xoogiisu biloowday ka dib markii xoogaga Maxaakiimta ay
weerar kadis ah ku soo qaadeen fariisimo ciidamada Itoobiya ay
ku lee yihiin aagaasi.
Weerarkaasi
ka gadaal ayaa ciidamada militaarka Itoobiya ee saldhiga
ciidan ku leh dhismihii hore ee garoonka kubada cagta Muqdisho
waxa ay duqeyn ba’an oo ay u adeegsadeen madaafiicda culculus
ku garaaceen xaafado dad rayid ah ay ku dhaqan yihiin oo ku
yaala degmooyinka Yaaqshiid iyo Deyniile ee gobolkani Banaadir,
guryo ku yaala deegaanka Gubta ayaa laga soo sheegayaa in ku
dhawaad shan qofood oo u badnaa haween iyo caruur ku
nafwaayeen duqeytaasi.
Waxaana
jira warar kale oo sheegaya in khasaaruhu uu intaasi ka badan
yahay bacdamaa ay madaafiicdu ku dhacayeen goobo kale oo dhowr
ah.
Ciidamada
Itoobiya ayaa ku caan baxay beegsashada goobaha ay ku
tuhmayaan in ay nagi ku yihiin qoysaska fara ku tiriskaa ee
aan weli ku sulkicin qulqulatooyinka ka soconaya caasimada
Somalia ee Muqdisho, balse mas’uuliyada weerarkaasi waxaa
sheegtay in ay Itoobiyaanka ku qaadeen Maxkamadaha Islaamka
sida uu HornAfrik u sheegay afhayeenka howl-galada Sheekh C/raxiim
Ciise Caddow oo idaacada la soo xariiray.
Wixii war ah oo ku soo kordha kala soco wararkayaga dambe.