Dad ku dhaawacmay dagaal ka dhacay Jasiirada Kudhaa oo la gaarsiiyay Isbitaalka Magaalada Kismaayo.

(Muqdisho,khamiis,24,Julaay,2008,(Hornafrik Media)

Qaar ka mid ah dad ku dhaawacmay dagaal shalay galinkii dambe ka dhacay deegaanka Kudhaa oo ka tirsan Gobolka J/Hoose ayaa la gaarsiiyay isbitaalka magaalada Kismaayo.

Dhaawacda shan ruux oo ah sida la sheegay maleeshiyada dagaalka la gashay ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ayaa la gaarsiiyay isbitaalka Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda Hoose.

Labo ka mid ah dadka dhaawacyadaani qaba ayaa la sheegay inay yihiin haween halka sadexda kalena ay rag yihiin sida uu Hornafrik u sheegay agaasimaha isbitaalka Kismaayo DR sheikh Cali Xasan.

Jasiirada Kudhaa waxaa shalay ku dagaalamay Ciidamo daacad u ah Maxkamadaha islaamiga iyo Maleeshiyo deegaankaasi kusugnaa waxana halkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah leh inkastoo aan wali si dhab ah loo xaqiijin khasaaraha dagaalkaasi gaystey.

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2008. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com