Maxaakiimta
oo markale xalay bandow ku soo rogay Jowhar.
(Muqdisho,Talaado,22,Julaay,2008,(Hornafrik
Media)
Saraakiisha
ciidamada Midowga Maxkamadaha Islaamka ee haatan ka taliya
gobolkaasi Sh/dhexe ayaa xalay markale habeenkii labaad xaalad
bandow ah oo aan waqtigiisu cayimneyn ku soo rogay xarunta
gobolka ee Jowhar.
Maxkamadaha
ayaa ku doodaya in bandowgaasi ay uga gol lee yihiin sii
adkeynta amaanka guud ee magaaladaasi.
Mas’uuliyiinta Maxaakiimta ee iminka ku sugan gudaha
gobolkaasi ayaa ku waramaya in ay bandowgaasi soo rogeen ka
gadaal markii habeenadaani dambe ay soo kordheen falal amni
daro kii abad ugu xumaa oo soo mara Jowhar.
Bandowgaasi
ayaa la soo sheegayaa in xalay markale uu ka dhaqan galay
degmada, iyadoo halkaasina lagu arkayo oo kaliya ciidamada
Midowga Maxaakiimta oo fulinaya howl-galo roondooyin dhinaca
lugta ah oo si weyn looga dareemay xarunta gobolkaasi.
Dhinaca
kale duqowda dhaqanka gobolka Sh/dhexe ayaa maanta markii ugu
horeysay ku baxay colaad dib uga soo cusboonaatay deegaamo
hoos yimaada gobolkaasi.