Dad indhaha loogu fiiqayo isbitaalka Magaalada Jowhar.

(Mogadishu, Tuesday ,12, February 2008,(Hornafrik Media).

Haya’da Manhal ayaa Howlo indhofiiqid ah saaka si rasmi ah ugaga bilowday isbitaalka magaalada Jowhar kadib markii muddo toddobaad ah ay ka waday haya’daasi baaritaano ku saabsan cudurada indhaha.

Dadweyne gaaraya ilaa siddeed boqol iyo konton ruux  oo laga diiwaangeliyey isbitaalka magaalada jowhar ayaa lagu wadaa in   indhaha. Loo fiiqo.iyadoo qeybta ugu horeysa ee indhaha loo fiiqayo ay gaarayaan ilaa boqol ruux sida uu hornafrik uxaqiijiiyey . Dr:Maxamuud Axmed Shiino oo ah madaxa taqaatiirta howshan fulineysa.  

Howlaha fiiqida oo ay wado hayada Manhal ayaa waxaa ka qeybqaadanaya oo fulinaya ilaa saddex taqtar oo soomaali ah.

Dr:Maxamuud Axmed Shiino oo ah madaxa takhaatiirta fulineysa howlaha indhofiiqida ayaa sheegay inay doonayaan inay indhaha u fiiqaan illaa iyo siddeed boqol iyo konton ruux oo la baaray caafimaadkooda  isla markaana ay doonayaan inay indhaha u fiiqaan dhamaan dadka doonaya in indhaha loo fiiqo.  Taqtarka ayaa intaasi ku sii daray   habeen iyo maalinba  inay shaqeyn doonaan.

Magaalada Jowhar ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxaa ku soo qulqulaayay boqolaal ruux oo indhaha cuduro ka qaba isla markaana doonaya baaritaano indho.

Hase yeeshee dadkan indhaha loo fiiqayo ayaa waxaa uu midkiiba bixiyay lacag gaareysa toban doolarka maraykanka ah una dhiganta labo boqol iyo labaatan kun shillin soomaali ah.

Dadkan indhaha loo fiiqayo ayaa  buux dhaafiyey  isbitaalka magaalada Jowhar iyadoo maalin walba dadkaa doonya baaritaanka indhaha iyo dad kale oo la socda ay ku sugnaayeen isbitaalka.

dadkan indhaha loo fiiqayo ayaa waxaa  ka mid ah dad ka soobarakacay magaalada muqdisho kuna nool xeryaha dadka soo barakacay ee magaalada jowhar. Hase yeeshee waxaa

Waxaana saaka lagu arkayay isbitalka magaalada Jowhar safaf  dhaadheer oo ay dadkan ugu jiraan sidii ay u heli lahaayee baaritaan caafimaad.

Wadada laamiga ah ee hormarta isbitaalka magaalada jowhar ayaa saaka gaadiidku ay si dhib leh ku marayaan iyadoo dadweyne faro badan ay soo buux dhaafiyeen wadadaasi.

Waa markii ugu horeysey ee isbitaalka magaalada jowhar laga fuliyo howlo indhaha loogu fiiqayo dadka  Hase yeeshee hayada Manhal hore waxa ay u soo fulisey illaa iyo 53 jeer oo howlo indho fiiqid ay ka soo qabatay gobolo badan oo dalka soomaaliya ah.

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com