Iska hor'imaad ka dhacay duleedka Degmada Bu'aale.

(Mogadishu, Sunday ,16  March 2008,(Hornafrik Media)

Hal qof ayaa ku dhaawacmay iska hor’imaad shalay galinkii dambe ku dhexmara qeybo ka mid ah gobolka J/dhexe kooxo hubeysan oo jidgooyo dhigtay iyo ilaalada qaar ka mid ah gaadiidleyda isaga goosha gobolada jubbooyinka.

Iska hor’imaadkaan oo xalay fiidkii dhacay ayaa waxa uu dhexmaray kolanyo gaadiidka ah oo ka timid dhinaca degmada saakow ee gobolkaasi iyo kooxo isbaaro dhigtay.

Duleeda xarunta gobolka J/dhexe ee Bu’aale ayaa lagu sheegay halka ay shaqaaqadaani ka dhacday waxana inta la ogyahay ku dhaawacmay hal ruux oo ka mid ahaa kooxdii isbaarada dhigtay.

Waxa hada ka socda degmada Bu’aale dadaalo lagu doonayo in lagu hakiyo xisad halkaasi ka dhacda oo daba socota iska hor’imaadkii xalay. waxana ku rarnaa gaadiidka isbaarada loo dhigtay biraha loo yaqaano is karaabka kuwaas oo beec loogu qaado dalalka shisheeye.

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com