Fanaan lagu maanta lagu dilay Muqdisho.

(Mogadishu, Thursday ,13  March 2008,(Hornafrik Media)

Aadan Xasan Salaad oo ka tirsanaa fanaaniinta Hobolada Waabari ee Dalka ayay maanta kooxo ku hubeysanaa Bastoolado ku toogteen degmada waabari ee Magaalada Muqdisho.

Alle u naxariistee kooxo hubeysan ayaa fanaankaasi ka tirsanaa hobolad waabrri ee dalka Somalia waxa ay ku toogteen agagaarka suuqa beerta ee degmadaasi.

Ujeeda loo dilay marxuunka lama oga waxana dilkiisa fuliyay labo nin oo bastoolado watay sida ay xaqiijiyay dad goobjooyaal ah.

Dilkaan ayaa qeyb ka ah dilalka qaabeysan ee kooxaha hubeysani ka gaysanayaan Magaalada Muqdisho iaydoo aysan jirin cid si gaar ah u sheegata dilalkaasi.

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com