Hay’ada Maxaliga ah ee SOPAG oo deeq ka qaybisay deegaanka ceelasha biyaha oo ay ku barakaceen dad aad u fara badan.

(Mogadishu, Tuesday, 3,June, 2008,(Hornafrik Media)

Deeqdaan oo la gaarsiiyay dad ka badan 200 oo qoys ayaa waxa bixiyay Hay’add ka mid ah hay’addaha Maxaliga ah ee ka howlgala Magaalada Muqdisho iyadoona dadkii la gaarsiiyay ay aad ugu baahnaayeen.

Gurmad fara badan ayaa xiligaan waxa muuqanaya in dad is xil qaamay oo soomaaliyeed ay u fidinayaan shacabka faraha badan ee dhibaatada balaarani ka soo gaartay dagaalada ka dhacaya caasimada Magaalada Muqdisho

Hay’adda SOPAG deeqda ay gaarsiisay dadkaasi Barakacayaasha ah waxa ay isagu jireen carruur iyo haween kuwaas oo aan haysanin guryo ay gabaad ka dhigtaan waxana deeqda la gaarsiiyay ay ahayd lacag,waxana hay’addaani fadhigeedu yahay Magaalada Muqdisho iyo gobolka shabeelaha hoose.

Ma ahan Markii ugui horeysay oo deeq nuucaan ah la siiyo dadka qaxootiga ku ah inta u dhaxaysa Muqdisho iyo degmada Afgooye.

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2008. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com