Ciidamada dowladda kmg ah oo gaadiid dagaal laga qabsaday.

(Mogadishu, Wednesday ,20 March 2008,(Hornafrik Media) 

Ciidamada dowladda kmg ah ee somalia ee fariisinka ku lahaa waddooyinka koowaad iyo labaad ee suuqa Bakaaraha ayaa maanta halkaasi laga saaray kadib markii ay dagaal la galeen kooxo hubeysan iyadoo gaadiid dagaal ciidamadaasi laga qabsaday.

Gaadiidka laga qabsaday Ciidamada Dowladda kmg ah

ugu yaraan labo gaadiidka dagaalka ah oo kala ahaa cabdibile iyo nuuca biiteenka loo yaqaano ayaa laga wareegay ciidamada dowladda iyadoona xoog looga saaray fariisimadii ay ku lahaayeen isgoyska H/wadaag iyo kan aadan cade walow ay hada dib ugu soo laabteen ciidamadu saldhigyadaasi.

ugu 5 ruux ayaa ku geeriyootay dagaalkaasi kuwaas oo ay ka mid yihiin dhinacyadii dagaalamayay iyo dad rayid ah waxana jira dhaawacyo aad u tira badan

Iska hor’imaadkaan oo la isagu adeegsanayo nuucyada hubka fudud ayaa waxa saameyn ku yeeshay howlihii ganacsiga ee suuqa Bakaraha waxaana la maqlayaa sawaxanka rasaasta.

Lama oga khasaraha rasmiga ah inta uu dhanyahay balse waxa iska cad uu jiro khasaare.

Ma ahan markii ugu horeysay oo dagaal nuucaan uu ka dhaco suuqa Bakaaraha waxana dadka qaar sheegayaan in ciidamada dowladda kmg ah ee fariisinka ku leh isgoyska h/wadaag ay doonayeen inay gudaha gudaha u galaan saaka goobo ganacsi oo ku yaala wadada koowaad ee suuqa Bakaaraha iyadoo ciidamadaasi lagu eedeeyay inay dhac u gaysanayeen baqaar saliida lagu kaydiyo.

Wixii soo kordha kala soco wararkeena dambe.

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com