Hornafrik
Media)Dagaalkaasi
oo aad diryaankiisu u cuslaa ayaa caawo maqribnimadii hore ka
dhacay qeybo ka mid ah jidkaasi Sodonka ee magaaladatani Muqdisho
kaasi oo sida la sheegayo dhexmaray dagaal yahano hubeysan oo
ka tirsan xoogaga xiliga habeenkiiya u soo weerartaga
fariisimada ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa dowlada ay ku
sugan yihiin.
Weerarkaasi
oo la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa soo
muddo dhowr daqiiqa ahayd.
Dagaalka
caawo ayaa dhexmaray askarta ciidamada militaarka Itoobiyaanka
oo taageeraya ciidamada dowlada KMG ah ee Somalia ee
saldhigyada dhawaanahaani ka sameystay wadadaasi iyo xoogaga
hubeysan ee ka soo horjeeda joogitaanka Itoobiya iyo hanaanka
siyaasadeed ee dowlada federaalka ay ku hageyso wadankani
Somalia.
Ilaa iyo
iminkana lama oga qasaaraha rasmiyan ka dhashay dagaalkaasi,
balse waxaa jira tiro madaafiic ahayd oo ku duldegay qaybo ka
mida xaafadaha magaaladatani Muqdisho.
Weerarkaasi
ayaana qayb ka ah weerarada sii labo lixaadsanaya ee looga soo
horjeedo ciidamada isxulafeysanaya.