Ciidamada Itoobiya oo weerar qasaare badan loogu geystay gobolkaasi Sh/hoose.  

(Mogadishu, Sunday ,18,May 2008,(Hornafrik Media) Madaxa howl-galada Golaha Midowga Maxaakiimta Islaamka, Sheekh C/raxiim Ciise Caddow ayaa idaacada HornAfrik u xajiiyay in weerar kadis ahaa oo ay ku qaadeen kolonyo gaadiidka dagaalka ah oo ay wateen ciidamo Itoobiyaana ay ku dileen ku dhawaad kontan askari oo ka tirsanaa militaarka dowlada Itoobiya. 

C/raxiim Ciise ayaa sidoo kale sheegay in weerarkaasi gaadmada ahaa ee ay la beegsadeen Itoobiyaanka ay ku gubeen mid ka mida gawaarida ay Itoobiyaanku caanka ku yahiin ee Uralka ka gadaal markii ay la eegteen sawaariiqda garabka laga tuuro intii uu dagaalku socday. 

Iskahorimaadkaasi oo aad u xooganaa ayaa ka dhacay deegaanka Carmooley oo u dhaxeysa Yaaqbariweyne iyo Balidoogle ee gobolkaasi Sh/hoose, waxaana sidoo kale la wariyay in ay jiraan qasaarooyin dhowr ah oo soo gaaray dadka shibilkaa ee ku nool aagaasi. 

Sheekha ayaana qiray in dhankooda uu qasaare aan sidaasi u xooganeyn uu ka soo gaaray dagaalkaasi ay la galeen ciidamada Itoobiya wuxuuna sheegay in weerarku uu qayb ka yahay dagaalada hubeysan ee lagula jiro militaarka Itoobiya ee xooga ku soo galay Somalia

Dagaalkaasi ayaa ah kii ugu xooganaa ee askarta Itoobiya ku qabsada gobolkaasi Sh/hoose tan iyo markii ay soo galeen wadankani Somalia.

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com