ugu yaraan 10 qof oo ku geeriyootay dagaal ka dhacay suuqa-xoolaha.

(Mogadishu, Wednesday ,19 March 2008,(Hornafrik Media) 

Iska hor'imaad u dhaxeeyay ciidamada itoobiya iyo kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda joogitaanka ciidamadaasi ee dalka ayaa ka soconaya deegaanka suuqa xoolaha ee degmada Huriwaa ee Magaalada Muqdisho.

dad goobjooyaal ah ayaa u sheegay Idaacada Hornafrik in dagaalkaani oo saaka bilowday ay ku geeriyoodeen inta la ogyahay 10 ruux oo isagu jira dad rayid ah iyo dhinacyada dagaalamayay waxana la rumaysan yahay in khasaaraha dagaalkaani uu intaasi ka badan yahay.

howl wadeenada isbitaalada kaydsaney iyo Dayniile ayaa sheegaya in dhaawacyo dad rayid ah oo dagalkaasi maanta dhacaya ku  waxyeelobay la soo gaarsiiyay

xaaladii ugu dambeysay ee degmada huriwaa gaar ahaan deegaanka suuqa xoolaha ayaa iminka degan inkastoo wali ciidamada itoobiya iyo kuwa milatariga dowladda kmg ah ay kusugan yihiin qeybo ka mid ah deegaanaasi.

Dagaalkaani oo bilowday waabarigii hore ee saaka ayaa yimid kadib markii Ciidamada Ethiopia ay ku soo dhaqaaqeen bartamaha suuqaxoolaha degmada Huriwaa halkaasoo ay kaga hor yimaadeen kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda ciidamadaasi joogitaankooda.

Lama oga ilaa haatan sababta ciidamada Itoobiya isagu soo fidiyeen deegaankaasi hase ahaatee dagaalka halkaasi ka dhacaya ayaan la ogayn khasaaraha rasmiga ee ka dhashay.

“Waxan maqlaynaa dhawaqa madaafiic iyo hubka fudud reerihii deegaankana waa ay kala firxadeen markii itoobiyaanku saaka xaafada suuqaxoolaha ku soo jarmaadeen”. sidaasi waxa yiri C/shakuur Cali oo ka mid ah dadka deegaankaasi.

Iska hor'imaadkaani ayaa saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqii ganacsiga iyo isu socodka dadka iyo gaadiidka iyadoo maalmihii ugu dambeeyay deegaanka suuqa xoolaha ay ahayd meel xasiloon,waxana deegaankaasi ka mid yahay meelaha ugu badan ee kooxaha hubeysani kula dagaalamaan ciidamada itoobiya iyo kuwa DF Somalia.

wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com