|
Safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya Nairobi oo cambaareeyey
dilkii mas'uliyiin ka tirsan HornAfrik.
Safiirka
dowladda Mareykanka u fadhiya magaalada Nairobi ee dalka Kenya
Michel Rainburger oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaaladaas
Nairobi ayaa si weyn u cambaareeyey dadkii ka dambeeyey falkii
lagu dilay Agaasimihii HornAfrik Cali Iimaan Sharma'arke iyo
weriye Mahad Axmed Cilmi.
Safiirka
ayaa sheegay in marxuumiintaas ay ahaayeen kuwa dadkooda jeclaa
bulshada Soomaaliyeedna si hagar la'aaneed ugu wada adeegi jiray.
Safiirka
dowladda Mareykanka u fadhiya dalka Kenya Machel Ranbergar ayaa
ugu baaqay Idaacadaha HornAfrik iyo Capital Voice iyo guud ahaan
Idaacadaha ka howlgala dalka Soomaaliyeed inay howlahooda sii laba
laabaan.
Safiirka
ayaa sidoo kale wariyaasha ka howlgalaya Idaacadahaas ugu baaqay
dhabar adeyg iyo karti dheeraad ah inay muujiyaan maadaama ay ka
shaqeenayaan dalka Somaaliya gaar ahaan caasimada Muqdisho oo
ammaankeeda uu yahay mid aan la isku haleyn karin.
Dhinaca
kale, warbaahinta dalka
Kenya
ayaa si weyn maalmahan uga hadleysay taarikhda labadaas marxuum
iyadoo warbaahinta ay ku tilmaantay maalintaas la dilay maalin
madow oo u soo hoyatay dadka Soomaaliyeed islamarkaana aaney
ilaawi doonin Soomaalida.
Sidoo kale,
dadwaynaha Soomaaliyeed eek u nool dalka Kenya gaar ahaan
magaalada Nairobi ayaa aad ugu xumaaday dilalkii loo geystay
mas'uuliyiin ka tirsan HornAfrik iyagoo tacsi u diray dhammaan
shacabka Soomaaliyeed bahda Warbaahinta iyo qoyskii ay ka
geeriyoodeen.
  
Ururada
bulshada gobolada Jubooyinka iyo Galgaduud oo maanta cambaareeyey
dilkii loo geystay mas'uuliyiin ka tirsan HornAfrik.
Mogadishu,14, August 2007 (HornAfrik Media)
Ururada
bulshada rayidka ee ka howlgala gobolada Jubbooyinka iyo Galgaduud
ayaa siyaabo kale gooni gooni ah maanta ay u cambaareeyeen dilkii
loo geystay Agaasimihii HornAfrik Cali Iimaan iyo weriye Mahad Axmed
Cilmi oo 11-kii bishan lagu dilay magaalada Muqdisho.
Qeybaha
ururada bulshada rayidka ee magaalada Kismaayo ayaa maanta kulan ay
isugu yimaadeen waxa ay ku cambaareeyeen ciddii ka dambeysay dilkii
waxashnimada ahaa ee lagula kacay madaxda warbaahinta Idaacadaha iyo
Telfishinka HornAfrik iyo Capital Voice ee magaalada Mqudisho.
Xubnihii
kulankaas ka hadlay ayaa maanta qiray in sababta loo beegsaday
aqoonyahankaas dowrka muga weyn ka ciyaarayey soo bandhigda
dhibaatada heysta dadka aan codka laheyn eek u dhaqan magaalada
Muqdisho ay aheyd si loo aamusiyo warbaahinta xorta ah iyadoo
ujeedada gaarka ah ee HornAfrik loo beegsaday ay tahay sida ay
sheegeen mid waxqabadka HornAfrik uu yahay mid muuqda.
Wakiiladii
ururada bulshada rayidka ee kulankaas ka soo qeybgalay silamarkaana
cambaareeyey arrintaas ayaa sheegay in munaasabadan ay tahay baroor
diiq ay u dhigayaan mas'uuliyiinta HornAfrik.
Kulankaas oo
ahaa mid warbaahinta lagu casuumay ayaa waxaa ka hadlay Agaasimaha
HornAfrik ee magaalada Kismaayo Axmed Maxamed Aadan isagoo muujiyey
dareenkiisa sida ay u saameysay dhacdadaas xanuunka badan ee soo
wajahday HornAfrik waxa uuna ugu baaqay dowladda KMG ah ee
Soomaaliya gaar ahaan Guddoomiyaha gobolka banaadir inay ka
dhabeeyeen oo gacanta ku soo dhigaan ciddii ka dambeysay falkaas
dilka ah ee lagula kacay mas'uuliyiintii HornAfrik.
Agaasimihii
HornAfrik Cali Iimaan iyo madaxii Capital Voice Mahad Axmed Cilimi
ayaa si weyn dilkooda looga dareemay guud ahaan gobolada Jubbooyinka
waxaana muddo laba cisho ah hawada ka maqnaa Idaacadda sida rasmiga
ah looga dhageysto magaalada Kismaayo ee HornAfrik Kismaayo.
Dhinaca kale,
ururada bulshada rayidka iyo culumaa'udiinka qeyba ka mid ah gobolka
Galgaduud ayaa cambaareeyey dilkii Mahad Axmed Climi iyo weliba
Qaraxii lala beegsaday Agaasimihii guud ee HornAfrik Cali Iimaan
Sharma'arke.
Dilalkii
naxdinta lahaa ee sababay geeridii Agaasimihii HornAfrik Cali Iimaan
iyo weriye Mahad Axmed Cilmi ayaa si dareen leh looga arkay gobolka
Galgaduud iyadoo ururada bulshada gobolka, maamulada, ardayda,
culumaa'udiinka dhalinyarada iyo dhammaan guud ahaan dadka gobolkaas
ayey u aheyd maalmo murugo leh.
Dhamaan shacabka gobolkaas ayaa muujiyey sida ay uga xun
yihiin xadgudbka iyo tacadiga arxan darada ah ee lagula kacay
madaxda shirkadda Warbaahinta HornAfrik
Wasaarada
arrimaha dibadda Mareykanka oo si kulul u cambaareysay falkii lagu
dilay Cali Iimaan Sharma’arke iyo Mahad Axmed Cilmi.
Mogadishu,14, August 2007 (HornAfrik Media)
Wasaarada
arrimaha dibadda dalka Mareykanka ayaa si kulul u cambaareysay
falkaas naxdinta lahaa ee 11-kii bishan lagu dilay milkiilihii
Idaacadda HornAfrik Cali Iimaan Sharma’arke iyo madaxii Capital
Voice Mahad Axmed Cilmi.
Wasaarada
arrimaha dibadda Mareykanka ayaa si xoog leh u cambaareeyeysa
dilkii loo geystay Alle ha u naxariistee Agaasimihii Idaacadda iyo
Telfishinka HornAfrik Cali Iimaan iyo madaxii Capital Voice Mahad
Axmed Cilmi oo 11-kii bishan lagu dilay Muqdisho.
“Dowladda
Mareykanka waxa ay si weyn uga xun tahay dilka labadaas marxuum”
ayuu yiri Afhayeenka u hadlay wasaarada arrimaha dibadda
Mareykanka isagoo saxaafadda kula hadlayey magaalada Washington.
Afhayeenka ayaa sheegay in dilka labadaas marxuum ay ka dambeeyeen waxa
uu ugu yeeray kooxaha argagaxiso ah oo doonaya in la caburiya
hanaanka saxaafadda xorta ah ee ka hana qaaday dalka Soomaaliya
Ururada u dooda
xaquuqda aadanaha oo cambaareeyay dilalkii loo gaystay agaasimihii
warbaahinta Hornafrik Cali Iimaan Sharmaa’arke iyo madaxii
Idaacada Kapital Voice Mahad Axmed Climi.
Mogadishu,14, August 2007 (HornAfrik Media)
Qaar ka mid ah
ururada u dooda xaquuqda aadanaha kuwa ganacsatada ururada
haweenka ee fadhigoodu yahay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in
dilkii loo gaystay agaasimihii warbaahinta Hornafrik Cali Iimaan
Sharmaa’arke iyo madaxii Idaacada Kapital Voice Mahad Axmed Climi
yahay mid la doonayo in lagu caburiyo saxaafada xorta ah.
Gudoomiyaha
ganacsatada wabi shabeele Caasho cismaan Ugaas shaacuur oo ka mid
ah dadka sida wayn ugu tixan Idaacada Hornafrik islamarkaana wada
shaqayn ay kala dhaxaysay alle ha u naxariistee Cali Imaan
sharmaar’arke ayaa sheegtay in dilkaasi uu ku yeeshay saamayn wayn
shacabka reer Muqdisho iyadoo sidoo kale tilmaamtay mid laga
xumaado.
Madaxa Hay’adda
xaquuqda aadanaha ee elman sudaan
Cali
axmed ayaa waxaa uu sheegay in falkaasi uu yahay mid wa xuushnimo
ah islamarkaana ka fog bini’aadanimada.
Tani waa mid la
doonayo in lagu aamusiyo codka dheer ee umada soomaaliyeed loogu
kala turjumayo waana caburin lagu hayo saxaafadda soomaaliyeed ayuu yiri madaxa Hay’adda ilman sudaan Cali Axmed.
Madiina
Maxamuud cilmi oo katirsan Mas’uuliyiinta ururka Hinna ayaa
sheegtay inaysan wanaagsanayn dilalka lala beegsanayo dadka
shacabka ah gaar ahaan kuwa dadka wax tarka u leh.
Waxaa ay
ahaayeen Cali Imaan iyo Mahad Axmed niman aad iyo aad bulshada
soomaaliyeed Magac ugu leh islamarkaana qaran ah oo aan qabiil
ahayn
ayay tiri Madiina.
C/laahi Calas
Jimcaalle oo ah madaxa Hay’adda xaquuqul isnaaka ee Dr Cusmaan
Ciil jimcaale oo isna ka hadlayey arrimahaan lagu u gaarsano
shacabka iyo saxaafaddad ayaa waxaa uu sheegay in ay tahay
arrintaan lagu ka cay Mas’uuliyiintii idaacada Hornafrik iyo
capital mid fool xun islamarkaana baaris xoogan lagu samayn doono.
Falalkaan guracan ee lagu dilayo dadka aan waxba galabsan ayaa waxaa
iminka si wayn u cambaaraynaya hay’addaha u dooda xaquuqul
isnaanka iyo waliba bulshada kale ee soomaaliyeed.

|