Odoyaasha dhaqanka Baladweyne oo jawaab ka bixiyay waraaqo
loogu digay.
(Muqdisho,Arbaco,23,Julaay,2008,(Hornafrik
Media)
Odoyaasha
dhaqanka Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa kulan
maanta ka yeeshay waraaqo digniino ah oo iyaga quseeya kuwaas
oo loogu sheegay inay isaga haraan kulamada ay la yeeshaan
Ciidamada Itoobiya ee saldhiga ku leh deegaanka
Jante-kundhisho.
Goobo
mucayin ah oo bulshadu isagu yimaadaan ayaa xalay lagu
daadiyay waraaqo digniino ah oo loogu sheegay Odoyaasha
dhaqanka degmadaasi inay ka haraan kulamada ay la yeeshaan
Ciidamada Itoobiya ee kusugan duleedka Magaalada Baladweyne
Sheekh
Yuusuf Maxamuud Xiirane oo ka mid ah Odoyaasha dhaqanka
degmadaasi Baladweyne ayaa ku tilmaamay waraaqahaasi
digniinaha ah kuwa laga xumaado islamarkaana waxa uu ugu
baaqay dadka arrintaasi ka dambeeyay inay ka waantoobaan.
Odoyaashu
waxa ay maanta sheegeen inaysan wax baqdin ah ku abuuri doonin
waraaqaha digniinaha ah ee xalay lagu daadiyay Magaalada
Baladweyne gudaheeda.Laakin waxa baqdin waraaqahaasi ku
abuureen dadka shacabka ah ee ku dhaqan Magaaladaasi.waxayna
Dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne walaac badan ka
muujinayaan cawaaqibka ka dhalan kara Digniinta loo jeediyay
Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan