Xubno ka socda Hay'adaha Q.m oo Dhuusa-mareen Tagey.
(Mogadishu,
Thursday ,27
March
2008,(Hornafrik
Media)
Wefdi
ka socda Hay'addaha Qaramada Midoobyay oo u kuur galaya
xaalada abaaraha iyo tan bini’aadanimo ee ka jira
gobolada dhexe ee Somalia ayaa shalay galinkii dambe
gaaray Magaalada dhuusa-mareeb ee gobolka G/gaduud.
Wefdigaan
oo ka kooban sadex xubnood ayaa kulamo la qaatay gudiga
degmada iyo odey dhaqameedka kaasoo looga hadlayay
dhibaatooyinka abaaruhu ku hayaan shacabka ku dhaqan guud
ahaan gobolkaasi G/gaduud.
Gobolka G/gaduud
waxa uu ka mid yahay meelaha ugu badan ay ku barakaceen dadkii
ka cararay dagaalada ka soconaya caasimada Somalia ee Muqdisho.
Wefdigaan
ka socda qaramada midoobay ee gaaray Dhuusa-mareeb ayaa maanta
kulamo la yeelanaya ururada bulshada rayidka iyo qeybaha kala
duwan ee bulshada ku dhaqan degmada dhuusa-mareeb.
Lama oga
waxa ficil ahaan ay ugu soo kordhin karaan wefdigaani gobolka
G/gaduud gaar ahaan deegaanada ay sida ba’an waxyeelada
abaarta iyo biya l’aantu halakeeyeen.
Axmed
Ciise Guutaale" Dhuusa-Mareeb