Xoogaga
maxkamadaha oo saacado kooban la wareegay xarunta gobolka sh/dhaxe.
(Mogadishu,
Wednesday ,26
March
2008,(Hornafrik
Media)
Ciidamo ka
amar qaata Midowga maxaakiimta islaamka oo gaadiidka dagaalka
ku hubeysan ayaa saaka la wareegay gacan ku haynta degmada
Jowhar iyo degmada Mahadaay ee gobolkaasi sh/dhexe.
Sida uu ku
soo waramayo wariyaha idaacada Hornafrik ee maagalada Jowhar
Maxamed Abuukar Caseyr waxa saaka halkaasi ka dhacay dagaal aa
du qaraar oo u dhaxeeyay ciidamada maamulka dowladda kmg ah ee
Somalia iyo xoogaga hubeysan ee ka soo horjeeda.

Dagaalkaan
xoogiisu waxa uu ka dhacay gudaha magaalada jowhar saaka
waxana
waxa ku geeriyooday 8 ruux oo u badan ciidamadii maamulka
gobolka iyo dad rayid ah.
lama oga
khasaaraha rasmiyan kala gaaray dhinacyada dagaalamay iyadoo
la sheegayo in dadka rayidka ah ee dagaalkaasi ku dhintay ay
ka mid tahay hooyo iyo labo carruur ah oo ay dhashay.
Maxamed
Cumar Deelle oo ah guddoomiyaha gobolka sh/dhexe iyo ku
xigeenkiisii Axmed Cumar Jaandhaay ayaa la sheegay inay ku
suganyihiin deegaano ka mid ah degmadaasi Mahadaay.
Lama oga
halka ay jaan iyo cirib dhigeen Ciidamada maamulka gobolka
iyadoo la sheegay in biliqo baahsan ay saaka ka dhacday
degmada Jowhar markii ay isaga baxeen xoogaga maxkamaduhu
iyadoo sidoo kale la gubay dhamaan goobihii ay ku shaqeyn
jireen maamulka gobolkaasi.
Wararkii
ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xoogaga maxaakiimta islaamiga
ay halkaasi isaga baxeen iyagoona sidoo kale ka baxay degmada
mahadaay sida uu sheegtay Madaxa howlgalada maxaakiimta u
qaabilsan C/rixiin Ciise Cadow.
Sidoo kale
Madaxa Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga C/raxiin Ciise Cadoow
ayaa intaa Raaciyay in ay la wareegeen Gawaari Dagaal
gaareeysay labo oo mid ka mida uu ahaa qoryaha Lidka
diyaaradaha ee loo yaqaan Zuuga iyo Rasaas Fara badan oo ay
lahaayeen Maamulka Gobolka.
Xoogaga
maxaakiimta islaamiga ayaa u muuqda kuwa kusii xoogaysanaya
gobolka sh/dhaxe iyadoo maamlihiui ugu dambeeyay halkaasi ay
ka jireen cabsi laga qabo inay soo weeraraan magaalooyin badan
oo gobolkaasi ka mid ah laakin waa markii ugu horeysay oo ay
si xoog ah ula wareegaan maxkamaduhu degmada Jowhar ee xarunta
gobolka sh/dhexe.
Maxamed
Abuukar Caseyr" Jowhar.