dibad bax looga soo horjeedo
ciidamada itoobiya ee somalia jooga oo dalka mareykanka ka
dhacay.
(Mogadishu,
December
30,
2007
HornAfrik Media)

dibadbax looga
soo horjeeday joogitaanka ciidamada itoobiya ee gudaha somalia
gaar ahaan magaalada muqdisho ayaa ka dhacay magaalada Los
angles ee gobolka Canafornina ee wadanka mareykanka.

banaanbaxaan
oo ay ka soo qeyb galeen boqolaal soomaali ah ayaa lagu
muujiyay sida ay u sii yaraanayso dulqaadka soomaalida
halkaasi ku dhaqan ay ku ogolaanayaan sii joogitaanka
ciidamada itoobiya ee somalia.
Cabdi Saciid
Macalin oo ka mid ah jaalida soomaaliya ee gobolka calofornia
ee wadanka maraykanka ayaa waxaa uu idaacada hornafrik u
sheegay in banaanbaxooda ay ku soo bandhigeen sawiro muujinaya
dacadiyada ciidamada itoobiya ay ka gaysanayaan dalka somalia
gaar ahaan kuwii ay ka gaysteen caasimada magaalada muqdisho.

"waxaan
qiyaasayaa in banaabaxaan ay ka soo qaybgaleen 500 dad kor u
dhaafa kuwaas oo soomaali iyo dadka kael oo xamaasadeena soo
raacay ah" ayuu yiri Cabdi Saciid.
ma ahan
banaanbixii ugu horeeyay oo looga soo horjeedo ciidamada
itoobiyaaka ee jooga dalka somalia waxaana banaanbaxyo kuwaan
dhigay soomaalida ku nool dalalka caalamka.