Taariikh nololeedkii Aadan Xaashi Ceyroow
(Mogadishu,
Saturday ,3,May
2008,(Hornafrik
Media)
Xigasho/BBC
Dhagayso warbixinta
Madaxa BBC-laanta Afka Somalia Yusuf
Garaad Omar ayaa diyaariyay.
Cayrow yaa yaqaan?
Adan Xaashi Ceyrow waa nin
dhallinyar oo dhashay sannadkii 1976. Weliba muuqaal ahaan
waxaa uu u eg yahay in uu intaa ka yar yahay, oo waa caato
madax xiiran.

Aadan Xaashi
Cayroow
Sida raga
kale oo kooxaha Islaamiga uma eka oo gar iyo shaarib midna ma
laha, mana isticmaalin magacyada carbeed ee ay la baxeen qaar
badan oo Shabaabka ka mid ah.
Waxaa lagu
tilmaamaa in uu yahay nin ku dheereeya tababbaridda
malliishiyaadka, iyo weliba abaabulkooda.
Taas ayaana
u sabab ah, in uu qaato magaca ah Macallin Aden.
Macallinnimadaas oo aan loola jeedin tan Quraanka, ee loola
jeedo midda dagaalka.
Afghanistan
Mar aan
kula kulmay Muqdisho, Macallin Aden wuxuu qirtay in uu ku soo
tababbartay Afghanistan.
Macallin
Aden waxaa magaciisu soo if baxay, markii ay gurigiisa
Muqdisho u dheceen niman Soomaali ah oo ka baayac mushtari
jiray wadaaddada lagu tuhunsan yahay in ay ku lug leeyihiin
hawlo argagixiso.
Xilligaas
wuu ka maqnaa gurigiisa, laakiin waxaa halkaa laga af duubay
laba nin oo kale.
Aden
waxaa uu markaa sameystay ilaalo hubeysan.
Dagaallada Soomaaliya
Waxaa uu ka
qeyb galay dagaalkii Itixaad ay ku qaadday gobollada woqooyi
bari ee Soomaaliya horraantii sagaashamaadkii.
Waxaa uu ku
jiray dagaalkii Gedo ku dhex maray ciidammada Ethiopia iyo
Itixaad bartamihii sagaashamaadkii.
Waxaa uu ka
mid ahaa raggii hoggaaminayay dagaalkii Maxkamaduhu ay
Muqdisho uga saareen hoggaamiye kooxeedyada sannadkii 2006.
Markii aan
weydiiyay ujeeddadiisa ugu weyn ee uu dagaalka ugu jiro wuxuu
ii sheegay in ay tahay in dalka lagu xukumo diinta Islaamka.
Wuxuu isku
sifeeyay in uu yahay nin aan dantiisu qabiil ahayn.
Wuxuu
tusaale iigu soo qaaday in 12 nin oo isaga ilaalineysa aanuu
ku jirin mid keliya oo isaga ay isku reer yihiin.
Wuxuu iigu
muuqday nin ka duwan hoggaamiyayaasha malliishiyaadka ee aan
hore ula kulmay.
Wuxuu
gashanaa dharka dagaalka.
Wuxuu sitay
qori daba-laab ah.
Waxay wada
socdeen saddex nin oo isaga ku muuqaal ah, joog iyo lixaadba,
isku sina u labbisan, saf simanna ku wada socda.
Waxaa la
iigu sheegay in uu diidi jiray in masawir laga qaado, anna
kama codsan.
Waxaan
weydiiyay dadka Soomaaliyeed ee Islaamka wada ah sababta
kallifeysa in qori loo qaato si Islaam loogu xukumo
Macallin
Aden wuxuu yiri dadku wey doonayaan Islaam in lagu maamulo ee
kuwa u diiddan oo ka hortaagan ayaan qoriga u qaatay.
Markii aan
weydiiyay ilaa iyo goorta ay soconeysana, waxaa uu yiri, ilaa
ay Shareecadu hirgasho ama shafka ay xabbadi iiga dhacdo waan
wadayaa.
Macallin
Adan, oo ka mid ahaa raga ay Maxkamaduhu aad u qaddariyaan,
haddana waxaa uu ku jiray raggii ka goostay Maxkamadaha ee
Shabaabka gooni u taagay.
Waxaa uu
doonayay in ciidammada Ethiopia oo jooga dalka Soomaaliya aan
dagaalku istaagin.
Waxaa kale
oo uu sideedaba diiddanaa in dowladda Soomaaliya wax wadahadal
ah lala gelo maaddaama uu u arkayay in aanay ku dhaqmeyn
Shareecada.