 |
Xulka Masar oo hantay Markoodii 6-aad Koobka Qaramada Afrika.
(Mogadishu,
Sunday
,11, February 2008,(Hornafrik Media).

Waxaa xalay magaalada Acra Ee dalkaasi Chana ahayd mid kacsan
kadib markii Xulka Kubada Cagta ee Dalka Masar Oo ku
guuleystay Koobka Qaramada Qaarada Afrika, kadib markii uu
cayaartii Finalka uu ka awood sheegtay Xulka Cameroon.

Cayaar xiiso badan oo ka dhacday Garoonka Djen Stadiuom Ee
Magaalada ACCRA ayay Labadan Xul ay isaga horyimaadeen,
iyadoona qeybtii hore ee Cayaarta ku soo idlaatay goolal
la'aan walow xulka masar uu aad ugu gacan sareeyay xulka ay
iska soo horjeedeen.

Markii Qaybtii labaad Cayaarta la isugu soo laabtay oo ay
labada dhinac wada tashiyo la soo sameeyeen Macalimiintooda
ayay dar dar ku bilaabatay, waxaana Xulka Masar uu iska
lumiyay Fursado qaali ah oo uu goolal kaga dhalin karay xulka
Cameroon.

Laakiin markii ay daqiiqada mareysay 77-dii cayaartuna ka
harsaneyd 13 daqiiqo, ayaa Kubada uu ku tartay Daafaca Da'da
hareysay ee Reer Cameroon SONG, waxaana si xoog ah kaga qaatay
Cayaaryahan Mohamed Zidan oo weerarka kaga cayaarayay Xulka
Masar, wuxuuna u laaday Saaxibkiis Abou Tarika oo si xirfad
leh u shabaqa ugu hubsatay Goolka Cameroon.

Xulka Masar oo ka cayaar wanaagsan Xulka Cameroon ayaa horay
wareegii hore soo cayaaray, taasoona Masar ay guusha ku
raacday 4 iyo 2, inkastoo xalay cayaarta aheyd mid kama
dambeys ah oo cidii reysa hananeyso Koobka Quruxda Badan ayaa
Cameroon ay cayaarta waxay ka bedeshay sidii awal loogaga
badshay.
Guusha Masar waa Guul taariikhi ah, waxay Koobkan heysataa lix
jeer, iyadoona labo jeer oo isku xigta qaaday sanadihii
2006-da iyo sanadkan 2008.
Tababaraha Xulkaas Xasan Shaxata ayaa noqday Tababarihii u
qaada cayaarta Labo sano oo isku xigta, sidoo kale Kabtanka
Xulkaas, Axmed Xasan ayaa markii 3aad la hantay Xulkiisa,
kadib markii uu kula guuleystay Xulkiisa, sanadihii 98-dii,
2006-da iyo 2008-da.
Dalal badan oo carbeed oo ay Somalia kamid tahay ayaa si aad
ah looga soo dhaweeyaya guusha taariikhda ah ee gaartay xulka
masar qaas ahaan bahda sportiga oo aad ula socday arimaha
cayaaraha qaarada afrika .
Dunida Muslimka ayaa aad looga soo dhoweeyay guusha
taariikhiga ah ee ay gaartay Xulka Masar, gaar ahaan waxaa si
weyn loogaga soo dhoweeyay Dalalka Carabta.
Dhanka kale Magalada qaahira ayaa waxaa laga dareemayaa farxad
aad u sarayso aydoo Tageerayaasha reer Masar aad isugu soo
baxeyn ayagoo sita Calamo iyo boorar ay ku qoranyihiin halku
dhigyo ah Bye Bye Cameroon iyo kuwa kale oo dhowr ah.
Daawashadii Cayaarta oo ay goob joog ka ahaayeen Madaxda FIFA
iyo CAF Sep Blatter iyo Guddoomiyaha xiriirka Kubada cagta ee
qaarada afrika Ee CAF Isse Hayatu Iyo wasiirka Sportiga ee
dalka Fransiiska waxaana xulka masar koobka gudoon siiyaya Sep
Blatter .
Masar ayaa waxaa ay unoqonaysaa kii 6-aad ee kugeelaystaan
waxaana ay horay ugu soo guulaysteen sanadihii
1957-1959-1986-1998-2006-2008-da oo xalay ugu dambeesay.
Xulka wadanka masar ayaa waxaa si aad ah loogu soo dhaweeyay
magaalada Qaahira ee caasimada wadankooda waxaana garoonka
diyaaradaha ee Qaahira ku soo dhaweeyaya madaxwaynaha dalkaasi
Maxamed Xusni Mubaarak Iyo Afadiisa Zuzana iyo mas,uuliyiin
katirtsan xirrirka kubada cagta ee dalkaasi masar.
Tartankaani waxaa lasoo bilaabay 20-janaury Ee sanadaani
2008-da waxaana lasoo gaba gabeeyay habenkii isniinta oo ay
taariikhdu kubeegantahay 10-February waxaana kaqayb galay ilaa
iyo 16-dal oo ahaa kuwii ugu awooda badnaa qaarada afrika
waana mids kamid ah tartamadii ugu xiisaha badnaa tan iyo
intii lasoo bilaabay tartankaasi .
Hadaba waxaa ay kaalmaha ugala galeen sidan.
1-kaalinta koowaad waxaa galay Masar oo koobka
lahooyatay.
2-xulka
Cameroon.
3-xulka Chana oo marti loo ahaa walow ay abaal marino
kale duwan heleen.
4-xulka Ivory Coast.oo qiimeen kahelay Caf xiriirka
kubada cagta ee qaarada afrika.
Sanada 2010-ka waxaa lagu qaban doonaa wadanka Anchola.hadii
uu alle idmo.
C/laahi Xassan Baliil
Baliilkhan10@hotmail.com |
 |