Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin oo soo saaray xeerka uu ku
cayimay xiliga ay dhaceyso doorashada.
(Muqdisho,khamiis,24,Julaay,2008,(Hornafrik
Media)
Madaxweynaha maamulka la magacbaxay Somaliland Daahir Rayaale
Kaahin ayaa soo saaray xeer uu ku cayimayo maalinta ay si
rasmi ah u bilaabaneyso diwaan galinta cod bixiyaasha
Doorashooyinka Somaliland.
Sida lagu
xusay warsaxaafadeed uu shalay soo saaray afhayeenka
Madaxtooyada,waxa uu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin,uu
shaaca ka qaaday xiliga ay bilaabaneyso diwaangalinta cod
bixiyaasha doorashooyinka Somaliland.
Xilligaas
waxa la sheegay inay tahay 4/10/2008 ee sanadkan aanu ku jirno.
Madaxweyne
Rayaale ayaa soo saaray xeerkan marka uu arkay qodobka 99-aad
ee dastuurka Somaliland iyo markii uu arkey qodobka 14-aad
firqadiisa 1-aad ee xeerka doorashooyinka golayaasha
deegaanada iyo Madaxtooyada iyo waliba qodobo kale oo u dagsan
dastuurkaasi.
Guddiga
doorashooyinka
Somaliland iyo sadexda Xisbi ayaa horey isla ogolaaday jadwalka
qorshe howleedka diiwaan galinta iyo doorashooyinka.