Afkaaraha dadweynaha ku dhaqan Muqdosho

Dadweynaha kala duwan ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa intooda badan soo dhaweeyay hadalkii ka soo yeeray Ra’isal wasaaraha dowladda kmg ah ee Somalia maalintii shalay ahayd.

Dhagayso Hadalada warbixinta dadweynaha

(Mogadishu,Tuesday ,18 March 2008,(Hornafrik Media) 

hoos waxa ku qoran hadlkii Ra'isal wasaaraha ee shalay

(Mogadishu, Monday ,17  March 2008,(Hornafrik Media) 

Shir jaraa’id oo uu maanta xaafiiskiisa ku qabtay Ri’isal waaaraha dowladda kmg ah ee Somalia  Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade) ayaa waxa uu kaga hadlay sida ciidamada ammaanka ay uga qayb qaadan karaan Istaraatiijida dib u heshiisiineed ee dowladdiisa isagoo dhanka kale sheegay in odoyasha dhaqanka beelaha Hawiye ay xor u yihiin dhaq-dhaqaaqooda.

Dhagayso hadalka Ra'isal wasaaraha.

Sidoo kale Ra'isal wasaaraha ayaa sheegay in odoyaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye oo uu hogaamiyo Maxamed xasan Xaad ay ku mari karaan Magaalada muqdisho iyo meeshii ay rabaan xor isagoona ugu baaqay Hay’adda dowladda ee qaabisan dhanka nabad ilaalinta inay shacabkooda soo jiitaan.

Ra'isal wasaare kuxigeenka ahna wasiirka warfaafinta Axmed C/salaam xaaji Aadan iyo wasiirka maaliyada iyo waliba wasiirka arrimaha gudaha Muuse Nuur Aamin ayaa ka qeyb galay shirkaasi iyadoo dhamaan ay xaadir ahaayeen maanta saraakiisha ciidamada dowladda kmg ah.

Ra'isal wasaare Nuur Cade ayaa wada dadaalo la doonayo in wax looga bedelo marxalada adag dalka soomaaliya waxana dhawaan uu mucaaradka ugu baaqay in dowladda ay la heshiiyaan isagoo soo bandhigay ajanadihiisa ku aadan dib u heshiisiinta,waxaana arrintaasi si aad u soo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed iyo beesha calaamka.

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com