Tartankii qur’aan aqrsi ee ka soconayay shirkada warbaahinta HornAfrik oo wajigiisii labaad galay.

Mogadishu ,10, September 2007 (HornAfrik Media)

Tartankii qur’aan aqrsi ee ka soconayay shirkada warbaahinta HornAfrik  oo ay ka qeyb galayeen in ka badan 86 ardey ah ayaa maanta galay wajigii labaad.

Tartankaan qur’aan aqriska ah ayaa waxaa soo qaban qaabiyay shirkada warbaahinta HornAfrik iyo waliba Hay’addo maxali ah waxaana ka qeyb qaadanaya ardey tiradoou gaarayso ilaa 86 ruux.

Tartamayaasha ayaa waxaa ay da,doodu u dhaxaysa 7 jir ilaa 15 sano jir.

Waxaa ka mid ah Gudiga tartanka Macalin Muuse,sheikh Abuukar Xasan Maalin,C/fitaax Axmed Maxamed.

Tartankaan ayaa ah mid sanad walba xiligaani oo kale ay qabato shirkada warbaahinta HornAfrik kaas oo kor loogu qaadayo aqoonta quraanka kariimka carruurta Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha guddiga tartanka qur’aan aqriska shariif Ibrahim C/laahi ayaa sheegay in tartankaani uu yahay mid lagu dhiiragalinayo carruurta wax barata ee Soomaaliyeed.

Mogadishu ,10, September 2007 (HornAfrik Media)

Tartamayaasha ayaa waxaa ay ku tartamayeen jusaska kala ah 30-ka Jus 20-ka Jus iyo waliba 10-ka jus .

 

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com