Xoogaga Al shabaab oo xalay gudaha u galay degmada
Qansax-dheere.
(Muqdisho,khamiis,24,Julaay,2008,(Hornafrik
Media)
Xoogaga
hubeysan ee Al shabaab oo xalay gudaha u galay degmada
Qansax-dheere ee gobolka Bay ayaa la sheegay in halkaasi ay ka
bilaabeen howlgalo lagu sugayo ammaanka.
Maamulkii
dowladda KMG ah ee degmada qansax dheere ayaa maalmo ka hor is
casilay waxana gudaha u galay degmadaas qaar ka mid ah xoogaga
Al shabaab oo muddooyinkan dambe dhaqdhaqaaqyo ciidan ka waday
qeybo badan oo ka mid ah degmooyinka gobolada Baay iyo Bakool.
Wali wax
war ah kama aysan soo bixin saraakiisha Al shabab ee sida
nabada ah kula wareegay degmada qansaxdheere laakin waxa
wararku sheegayaan inay xoogagaasi la kulmi doonaan odoyaasha
dhaqanka degmadaasi.
Degmada
Qansax-dheere waxa ay 90KM u jirta Magaalada Baydhabo ee
xarunta Gobolka Baay iyadoo Baydhabo ay xarun u tahay hada
Baarlamaanka Soomaaliya.