Sargaal Ka tirsan Q.M oo La Afduubay
(Mogadishu, Sunday
,22,June,
2008,(Hornafrik
Media)
Madaxa
Hay'dda UNHCR ee Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Cali ayaa
dabley hubeysan oo aan la garanaynin waxa ay xalay ka
afduubteen deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada
Muqdisho,iyadoo arrintaani ay cambaareeyeen Laamaha Qaramada
Midoobay.
Sargaalkan
oo ugu sareeyay Hay’adda qaxootiga aduunka Qaramada Midoobay
UNHCR xaafiiskeeda Muqdisho ayaan la ogeyn halka ay la aadeen
dableyda afduubtay,balse waxa ay wararku sheegayaan in dhanka
Magaalada Muqdisho lala soo aaday.
Hoygiisa oo
kuyaala ceelasha Biyaha ayay dableydaasi u daateen waxayna
wateen sida la sheegay gaari yar.
Taliye ku
xigeenka ciidamada Booliska gobolka shabeelaha Hoose Nuuriye
Cali Faarax ayaa sheegay in sargaalkaasi lala aaday dhanka
Muqdisho,inkastoo aan wararkaasi la xaqiijin.
Qaramada
Midoobay ayaa si aad ah u dhaleeceysay afduubka loo gaystay
Mas’uulkan ka tirsan UNHCR,waxana uu noqonayaa Mas’uul
sagaalaad oo u shaqeynayay Hay’addaha samafalka oo gudaha
soomaaliya lagu afduubto,waxana dadkaasi afduubka loo haysto
ka mid ah ajaanib.
Si kastaba
ha ahaatee arrintaan ayaa saameyn ku sii yeelanaysa kumanaan
qoys oo ka barakacay Magaalada Muqdisho,kuwaas oo haatanba
kusugan qeybo badan oo ka mid ah gobolada koofureed ee dalka
Soomaaliya.
Kooxaha ka
soo horjeeda siyaasada dowladda kmg ah ee soomaaliya ayaa
iyagu horey u sheegay inaysan wax dhibaato ah u gaysan doonin
saraakiisha samafalka ee ka howlgala dalka soomaaliya,balse
macada gacanta sadexaad ee afduubkani ka wada dalka.