Q.M oo Xanibtay howlihii Somalia ay ka waday.

(Mogadishu, Tuesday ,12, February 2008,(Hornafrik Media).

Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday inay joojisay dhamaan howlihii ay ka fulinaysay gudaha Somalia kadib markii ay sii kordheen wareerada looga soo horjeedo shaqaalaha Hay’addahaasi.

Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday inay xanibaad ku sameysay howlihii ay ka qabanaysay gudaha wadanka Somalia ,arrintaasi oo la xariirta weerarkii dhawaan lagu qaaday xarunta Hay’adda UNDP ay ku leedahay Caasimada Somalia ee Muqdisho.

Inkastoo uusan khasaare ka dhalay weerarkii lagu qaaday UNDP hadana waxa ay guud ahaan qaramada Midoobay shaacisay in xanibaada ay ku samaysay howlahii ay ka waday Magaalada Muqdisho,degmada Afgooye iyo waliba Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose,iyadoo la bixi doonta shaqaalaheeda ku haray gobolada dalka Somalia asbuucaan.

Tirooyin badan oo ah ururo aan dowli ahayn oo NGO ya ah ayaa horeysay xanibaad ugu sameeyay shaqaalahooda ka howlgalayay Somalia kadib markii sidoo kale la weeraray xarumo ay leeyihiin sida laga soo xigtay xaafiiska isku duba ridka arrimaha bini’aadanimada Qaramada Midoobay (Ocha).

Arrintaan ay isku xukuntay qaramada midoobay ee ay iskeed u joojisay mashaariicdii ay ka waday Somalia ayaa la sheegayaa in caqabadaasi ay tahay kadib markii ay bateen dhibaatada lagu hayo shaqaalaha gargaarka sida iyaga oo waddooyinka Miina loogu aaso weeraro toos ah oo lala bartilmaameedsado iyo waliba mararka qaar oo si bareer ah loogu hanjabo shaqaalaha UN-ka.

Bishii la soo dhaafay waxa dhintay sadex ka mid ah shaqaalaha Hay’ada MSF Holland kadib Bam loo dhigay wadada dhinaceeda,falkaas oo ka dhacay Magaalada Kismaayo.

Qaramada midoobay waxa ay sheegtay inay sii xumaanayso xaalada ammaan ee Somalia,iyadoo ay sii kordhayaan Baahida haysata shacabka.

Labadii bilood ee la soo dhaafay ayaa la tilmaamay in Muqdisho ay ka carareen dad gaaraya 40,000 oo qof.

Hay’adda qaxootiga qaramada Midoobay UNHCR ayaa ku qiyaastay dadka ku barakacay dagaalada, tan iyo dhamaadkii bishii Octoobar in ka badan 294,000.

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com