Qaramada
Midoobay ayaa mar kale shaaca ka qaaday inay sii xoojin doonto
shixnada gargaarka ee ay ugu tala gashay dadka ku barakacay
dagaalada Ka dhacaya Somalia.
John Holes
Saraakiisha
u qaabilsan Hay’adda qaramada midoobay dhanka gargaarka ayaa
sheegay inay soo labo laabi doonaan howlaha samafalka ah ee ay
ku taakulaynayaan dadka ku barkacay qeybaha kala duwan ee
dalka Somalia gaar ahaan waxa arrintaasi ka dhawaajiyay isku
duwaha qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha gagaarka deg
dega ah John Holmes.
Hadalkaan
ka soo baxay Hay’addaha samafalka ee qaramada midoobay ayaa ku
soo beegmaya xili ay dhibaato xoogani gaysto shacabka
soomaaliyeed iyadoo abaaro ay ku habsaday guud ahaan gobolada
dalka kuwaas waxyeelo ba’an u gaystay dadka iyo duunyada.