Waxaa galabta ku geeriyooday
gurigiisa oo ku yaala Xaafadda Beexaani ee Degmada Shibis
Cabdalla Nuuradiin Axmed oo ahaa Wariye iyo Abawaan ay si weyn
u yaqaanaan Dadka Soomaaliyeed.
Sida ay xaqiijisay Sabiida
Nuuraddiin Axmed oo la dhalatay marxuumka waxaa uu u
geeriyooday Cabdalla Nuuradiin Axmed xanuun ku soo qabtay
isagoo Magaalada meelo ka mid ah ku maqan, kaasi oo ay xustay
in uu beryahan la xanuunsanayay.
Sabiida waxay sheegtay in
Cabdalla Nuuraddiin uu ku dhashay Magaalada Jig-jiga ee
dhulka is-maamulka Soomaalida ee Itoobiya, kadibna ay u soo
wareegeen Magaalada Muqdisho oo ay ku soo koreen iyada iyo
walaalkeed.
Waxay sheegtay Sabiida
Nuuraddiin in uu Walaalkeed wax ku bartay magaalada Muqdisho,
kadibna uu ka mid ah Wariyayaashii Radio Muqdisho, kadib
markii ay burburtay Dowladdii horena uu la shaqeynayay
Idaacadda iyo TV-ga Horn Afrik oo uu la shaqo bilaabay
sanadkii 1999-kii, inkastoo dhawaanahanna uu la shaqeynayay
Taleefashinka Universal.
Cabdalla Nuuradiin Axmed oo da'diisa
ay u dhaxeysay 50-60 sano sida walaashiisa sheegtay waxaa uu
sanadkii 2005 ka badbaaday dhaawac rasaaseed oo ay u geysteen
rag hubeysan, kuwaasi oo ku weeraray Maqaayad uu ku lahaa
nawaaxiga Isgoyska Cali Kamiin ee Magaalada Muqdisho.
Alle ha u naxariistee
Cabdalla Nuuraddiin Axmed oo ka tirsanaa Bahda Saxaafadda iyo
Bahda Fanka Soomaaliyeed waxaa lagu xusuustaa kaalimihii uu ku
lahaa Warbaahintii Soomaaliya ka hor burburkii Dowladdii hore
iyo kadib-ba, wuxuuna si weyn uga dhex muuqan jiray labadaas
qeybood oo uu ka tirsanaa.
Marka laga soo tago in uu
Wariye hal-abuur leh ahaa, wuxuu dhinaca kale ahaa Abwaan
curiya Gabayada iyo Heesaha, waxaana Heeso badan oo uu
sameeyay ku luuqeeyay Fannaaniin caan ah sida Cabdi Salaad
Beer-dilaacshe, Cumar Dhuulle, Cumar Shoolli, Shimaali Axmed
Shimaali iyo C/qaadir Shiikh Cali Sanka.
Sidoo kalena wuxuu marxuumka
ku wanaagsanaa dhinaca fidinta Diinta Islaamka, wuxuuna
Idaacadda iyo TV-ga Horn Afrik ka jeedin jiray Barnaamijyo
aan ka xusi karno labo barnaamij oo kala ahaa Dhegeyso oo ku
dhaqan iyo Dhaqanka Islaamka, kuwaasi oo xambaarsanaa Duruus
Islaami ah oo dadka ku wacyigelineysa in ay qaataan wixii
Allaah faray, isla markaana ay ka reebtoomaan wixii uu ka
reebay.
Geerida ku timid Cabdalla
Nuuradiin Axmed waxaa ka hadlay Ra’iisal Wasaare ku xigeenka,
ahna Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya
Axmed C/salaan Xaaji Aadan oo sheegay in Cabdalla Nuuradiin oo
ay is-barteen sanadkii 1999-kii uu ahaa shakhsi maskaxdiisa u
isticmaalayay sidii uu dadka Soomaaliyeed uga wacyigelin lahaa
dhibaatooyinka.
Ra’iisal Wasaare ku xigeenka
waxaa uu intaas kadib tacsi u diray Qoyskii, ehelladii iyo
Asxaabtii uu Cabdalla Nuuradiin ka geeriyooday marxuumka,
isagoo si gaar ah tacsi u diray bahdi uu ka tirsanaa ee
Saxaafadda iyo Fanka.
Alle ha u naxariistee
Cabdalla Nuuraddiin Axmed oo maalinta berri ah lagu aasi
doono Magaalada Muqdisho waxaa uu ifka kaga tegay 6 Caruur ah
oo isagu jira 4 Wiil iyo 2 Gabdhood.