Ra'isal wasaare Nuur Cade oo lagu wado inuu la kulmo qaar ka mid ah mucaaradka.

(Mogadishu, Friday ,28  March 2008,(Hornafrik Media)

kulamo hor dhac ah oo la filayo inay isugu yimaadaan xubno ka tirsan Xukuumada kmg ah ee somalia oo uu hogaaminayo Ra'isal wasaare Nuur cade iyo Mas'uuliyiinta sare ee ururka dib u xoreynta Soomaaliya ee fadhigiisu yahay Magaalada Asmara ee dalka Ereteria ayaa maanta lagu wadaa inuu ka dhaco Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

kulankaani ayaa lagu wadaa inuu garwadeen ka noqday wakiilka xoghayaha guud eee qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia Ahmadou ould Cabdalla.

Sheekh shariif Sheekh Axmed oo ahaa guddoomiyihii golaha fulinta maxkamadaha islaamiga iminka an guddoomiyaha ururka dib u xoreynta ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa inuu soo gaaro Magaalada Nairobi.

hadii kulankaani uu dhaco waxa uu noqonayaa kii ugu horeeyay oo ay isku soo hor fadhiistaan xukuumada Ra'isal wasaare Nuur cade iyio qaar ka mid ah mucaaradka ka soo horjeeda.

Ra'isal wasaaraha Somalia Nuur Xasan Xuseen (Nuur cade) ayaa balanqaaday in xukuumada oo kaashanahaysa Hay誕ddaha qaramada Midoobay iyo dalal kale ay wax ka qabanayaan sii xumaanshaha xaalada bini誕adanimo ee ka taagan dalka

Ra段sal wasaaraha oo iminka kusugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in dowladda kmg ah ay qaadayso talaabooyinka muhiimka u ah sidii looga hortagi lahaa macluul ka dhalata wadanka Somalia islamarkaana ay dowladiisu fududeynayso sidii gargaar deg deg ah loo gaarsii lahaa dadka soomaaliyeed ee dhibaatadu ku habsatay.

Ra段sal wasaaruhu waxa uu ka hadlay rajada uu ka qabo in dalka soomaaliya la keeno ciidamo ka socda qaramada midoobay si ay u bedelaan ciidamada itoobiya iyo kuwa midowga afrika waxana uu muujiyay in arrintaasi dhici doonto.

Ray段sal wasaare Nuur Cade waxa uu soo maray oo kulamo kula qaatay Magaalada Addis Ababa ee dalka itoobiya  Mas置uliyiinta madaxda ururka midgowga afrika isagoo sheegay in la xoojiyo howlgalka Amisom ee ka socda wadanka Somalia.

Dowladda talyaaniga ayaa deeq lacageed ugu yaboohday dallka Somalia waxana guddoomay Ra段sal wasaare Nuur Cade.

Lacagtaasi ayaa la sheegay in lagu bixinayo tababarida iyo qalabaynta Ciidamada Booliska dowladda kmg ah ee Somalia.waxana ay gaaraysaa 50 million oo lacagta giniga istarliinka ah.

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com