Weriye
Nasteex Daahir oo maanta lagu aasay Kismaayo.
(Mogadishu, Sunday
,8,June,
2008,(Hornafrik
Media)

Allaha u
naxariistee Nasteex Daahir Faarax ayaa goor dhoweyd lagu aasay
qabuuraha Baarcaleen ee duleedka magaalada Kismaayo, ka dib
markii xalay kooxo hubeysan ay toogasho ugu geysteen bartamaha
magaaladaasi xili uu ku sii jeeday gurigiisa.
Nasteex
ayaa xalay meydkiisu ku baryay isbitaalka weyn ee Kismaayo
halkaasi oo maanta ay ka soo galbiyeen meydkiisa boqolaal dad
ah oo isugu jira salaadiin, waxgarad, culamaa’udii, haween,
caruur iyo iyo xubno maamul oo ka tirsan mas’uuliyiinta
gobolkaasi J/hoose.

Dilka ayaa
la sheegay in ay geysteen kooxo dabley ahaa oo ku hubeysnaa
hub gacmeedka loo yaqaano Bastooladaha kuwaasi oo rasaas la
beegsaday weriye Nasteex Daahir.

Nasteex
Daahir ayaa dhaawaciisa durbaba loola deg degay isbitaalka
weyn ee magaalada halkaasi oo daqiiqado yar ka gadaal uu ku
geeriyooday.
Ilaa iyo
iminka ma cadda sababaha rasmiyan ka dambeeya dilkaasi foosha
xun ee lagu qaarajiyay Nasteex.
Sida wararku sheegayaan nin dableey ah ayaa ku dhuftay
weriye Nasteex Daahir saddex xabadood, wuxuuna ku geeriyooday
isbitalka Kismaayo oo loola cararay markii rasaasta lagu
dhuftay.

Mas'uuliyiinta Soomaalida iyo
diblomaasiyiinta ka qeybgalaysa shirka dib u heshiisiinta ee
ka soconaya waddanka Djibouti ayaa tacsi u diray qoyskii iyo
hey'adda BBC-da ee u shaqeynayay weriya Nasteex Daahir.
Wariye
Nasteex waxa
dilay Nin dabley ah.
Ra'iisul Wasaaraha dowladda KMG ah Nuur
Xasan Xuseen iyo Wasiirka warfaafinta Axmed Cabdisalaam Aadan
ayaa walaac ka muujiyay inay weli socoto ugaarsiga
weriyeyaasha Somalia ee hawsha muhiimka ah haya.
Guddoomiyaha Isbahaysiga Dib u xoreynta
Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa isna tacsi u diray, isagoo ka
digay dilka dadka shacabka ah.