Ra’sal wasaare Nuur Cadde oo la kulmay odayaasha Hawiye.

(Mogadishu, Sunday ,23  March 2008,(Hornafrik Media) Kulankii ugu horreeyay oo heer saraa oo ay isugu yimaadaan golaha wusurada cusub ee xukuumada uu hogaamiyo ra’isal wasaare Nuur Xasan Xuseen oo loo yaqaano "Nuur Cadde" iyo xubno ka tirsan odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada beelaha Hawiye ayaa goor dambe oo galabta ahayd ka dhacay dhismihii hore ee xarunta dugsida tababarka Xalane ee duleedka gagida diyaaradaha caalamigaa ee Aadan Cadde. 

Kulankaasi ay isugu yimaadeen labada dhinaca ayaa sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee  Amison. 

Sida wararka xog-ogaalkaahi ay sheegayaana kulanaasi oo ay xubnaha labada dhinac uga qayb galay ay ka mid ahaayeen ku xigeenada ra’isal wasaare ee Axmed C/salaam Aadan iyo Saalim Caliyoow ayaa guul ku dhamaaday iyadoo dukumiinti qoraal ahaa oo la xariira howlaha dib u heshiisiinta loo gud biyay odayaasha Dhaqanka Hawiye.    

Gunaanudkii kulankaasi taariiqa ahaa ee maanta ayaa si wada jira waxaa tafaasiil dheeraada ka siiyay waxyaabihii looga wada hadlay shirkaasi ra’isal wasaare Nuur Xasan Xuseen oo uu hadalka ka dabaqaatay gudoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad oo kulankaasi ka qayb galay, waxa ay labadooduba ay hoosta ka xariiqeen in hormaro laga gaaray waxyaabo badan oo madmadoow uu ka taagnaa mudooyinkii ugu dambeysay. 

Kulankaasi maanta ayaana u muuqanaya mid isfahan waara looga gaari karayo siyaasadaha aan wali saldhin iyo dagaalada sii joogtoobaya ee ka taagan caasimada Somaliya ee Muqdisho iyo sidoo kale guud ahaanba Somalia. 

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com