Roobab ka Da’aya Muqdisho iyo Daafaheeda iyo Xaqooti Dhibaato ka soo Gaartay Roobabkan.

(Mogadishu, Thursday ,19,June, 2008,(Hornafrik Media)

Roobab si wayn loogu diirsaday ayaa xalay iyo saaka waxa ay ka da’een Magaalada Muqdisho kaasoo saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqii ganacsiga,isku socodka dadka iyo gaadiidka.waxana roobabkaasi ay saameyn culus ku yeesheen Kumanaan qoys oo qaxooti ku ah daafaha Magaalada Muqdisho.

Waddooyinka Magaalada Muqdisho ayaa saakay la arkayaa biyo dhex ceegaaga iyadoo gaadiidka ku kala goosha Magaalada ay carriiri galeen waxana melaha qaar xayiran ganacsigii Magaalada.

Burubur xoog leh ayaa ka muuqda wadooyinka ay biyo jiifaan iyadoo xaalada Muuqaalka Muqdisho ay si wayn isku bedeshay maadama xiligaan dagaalo joogteeyeen.

Kumanaan qoys oo guryahooda uga barakacay Ammaan darida ka jirta caasimada dalka soomaaliya ee Muqdisho ayaa hoy la’aani ku haysataa duleedyadda Muqdisho xili ay da’ayaan roobab xoog leh,iyadoo dad fara ku tiris ah oo ku haray guryihii laga barakacay ay iminka ku nool yihiin jawi Cabsi leh.

Ma jirto cid Mas’uuliyad iska saartay ama ka hadashay sidii gurmad loogu sameyn lahaa kumanaanka qoys ee guryahooda kuyaala Muqdisho uga maqan amaan dari ka jirta,iyadoo qaar ka mid ah xaafadihii dadkaasi ay ka deganaayeen markii hore Muqdisho,hada ay saldhigyo ka sameysteen ciidamada Itoobiya iyo kuwa ka tirsan dowladda kmg ah.

 

Roobabkii ugu dambeeyay ee ka da’ay Magaalad Muqdisho waxa ku dhintay 7 qof kuwaas oo biyaha daadadka ah ay qaadeen kadib markii ay dumeen guryihii ay ku jireen waxana dadkaasi ka mid ah carruur iyo dad da’ah.

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2008. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com