Shirkii
golaha dhexe ee isbahaysiga dib u xoreynta oo furmay.
(Mogadishu,sabti,19,July,
2008,(Hornafrik
Media)
Shirkii
golaha dhexe ee isbahaysiga dib u xoreynta dalka Soomaaliya
ayaa maanta ka furmay magaalada Jabuuti halkaasoo khudbad ku
aadan wadahadaladii Magaalada sanca ee dalkaasi Yeman uu ka
Jeediyay Guddoomiyaha Gudiga fulinta sheikh shariif sheikh
Axmed.

Shirkan oo
saakay ka furmay Magaalada jabuuti waxa ka soo qeyb galay
Mas’uuliyiin isagu jira beesha calamka iyo dowladda Jabuuti
iyadoo afhayeenka isbahaysiga Suleeymaan Colaad Rooble uu
HornAfrik u sheegay in kolamka shirka uu buuxsaday sidaasina
uu ku furmay shirku.

Mr
Suleeymaan waxa uu sheegay kulanka ay soo xaadireen ilaa 106
xubnood iyadoo tirada shirkaasi uu ku furmi karay ay tahay 96
xubnood wuuxa xusay in ilaa labo jeer oo hore uu shirka dib u
dhac u yimid sababo la xariira Kolamka oo Buux sami waayay.
Furitaankii
Shirka waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u
xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Axmed oo Xubnaha Golaha uga
warbixiyay waxyaabihii looga hadlay shir ay Dalka Yemen ku
yeesheen qaar ka mid ah Xubnaha Maxkamadaha Islaamka ugu jira
Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.