ICRC oo
walaac ka muujisay kumanaan dad Soomaali ah.
(Mogadishu, Thursday, 5,June,
2008,(Hornafrik
Media)
Wariyeha Hornafrik ee Magaalada
Istooghom ,Sweden
Dhagayso
wararkan.
Hay'dda
ICRC ayaa shaaca ka qaaday inay sii kordhinayso howlaha
gargaarka Bini’aadanimo ee ay ka wado gudaha dalka soomaaliya
kadib markii ay Hay’addu walaac ka muujisay xaalada nolol xumo
ee ay ku jiraan kumanaan dad Soomaali ah.
Hadalkan
ka soo baxay Hay'adda ICRC waxa uu ku soo beegmay xili Sicirka
cunnada Magaalada Mudisho uu gaaray meel aad u sareysay iyadoo
arrintaani ay halis galinayso nolosha dadka danyarta ah ee ku
dhaqan gudaha caasimada iyo gobolada dalka oo dhan.